Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Uefa oo rabta in ay 16 kooxood uga qayb galaan Koobka Adduunka
    Somalia

    Uefa oo rabta in ay 16 kooxood uga qayb galaan Koobka Adduunka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 10, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    ay’adda maamusha kubadda cagta Yurub ee Uefa ayaa dalban doonta in 16 kooxood ay uga qaybgalaan Koobka Adduunka ee 2026 marka kooxaha ka qaybqaadanaya ay noqdaan 48.

    Uefa waxaa kale oo ay dalban doontaa in 16 kooxood ee uga qayb galaya wareegga koobaad in lakala ilaaliyo oo aysan isku aadin.

    Qaabkan cusub ee Koobka Adduunka loo qabanayo ayaa loo kala qaybin doonaa 16 qaybood oo min saddex kooxood ka kooban, markaas oo 32-da kooxood ee isu soo hara ay ka qayb qaadan doonaan wareegga cidii badisaa ay u sii gudubto wareegga xiga.

    Saddex iyo toban kooxood oo reer Yurub ah ayaa ka qayb galay Koobkii Adduunka ee Brazil ka dhacay 2014kii waxaana ku guulaystay Jermalka.

    Madaxweynaha Uefa, Aleksander Ceferin ayaa sheegay in codsiyadan ay yihiin kuwo xaqiiqo ah, uuna doonayo in koox kasta oo Yurub ka socota ay ka soo gudubto wareegga koobaad.

    Waxaa la filayaa in Fifa ay bisha shanaad xaqiijiso tirada qaarad kaste uga qayb gali doona Koobka Adduunka.

    Ceferin ayaa hadalkaas ka sheegay kulan ay lahaayeen guddiga sare ee Uefa. Dhamaan xubnaha guddiga ayaana isku raacay qorshahaas

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.