Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»DFS oo walaac ka muujisay xiriirka Israa’iil iyo Somalind, dalbatayna gurmad
    Somalia

    DFS oo walaac ka muujisay xiriirka Israa’iil iyo Somalind, dalbatayna gurmad

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 16, 2026Updated:June 16, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    DFS ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha lumiyay sharciyada Hassan Sheikh Mohamud, ayaa ugu yeertay Qaramada Midoobay Midowga Africa, IGAD iyo Jaamacadda Carabta in ay difaacaan madax banaanida Soomaaliya.

    Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda DFS ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin xiriirka Israa’iil ay la yeelatay maamulka Somaliland, iyadoo aan la marin Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho, kana arimin deegaanada Somaliland.

    Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay DFS ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

    WAR-SAXAAFADEED
    Muqdisho, 16 Juun 2026

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga walaacsan tahay wararka sheegaya in maamulka Israa’iil uu xiriir la sameynayo maamulka gooni u goosadka ah ee gobolada waqooyi ee Soomaaliya, iyada oo aan loo marin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa xiriir kasta oo noocaas ah inuu yahay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda, midnimadeeda, wadajirka dhulkeeda, iyo nidaamkeeda dastuuriga ah.

    Soomaaliya waa dowlad madaxbannaan oo si caalami ah loo aqoonsan yahay, Dowladda Federaalka Soomaaliyana waa hay’adda keliya ee sharciyan u awoodda inay dalka ku metesho xiriirrada caalamiga ah.

    Wasaaraddu Arrimaha Dibadda waxay adkeynaysaa in xiriir kasta oo siyaasadeed, diblomaasiyadeed ama nooc kasta oo kale ah oo lala yeesho maamulka gooni u goosadka ah, iyadoo la hareer marayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, uu ka hor imanayo sharciga caalamiga ah isla markaana aanu lahayn wax sharciyad ama miisaan siyaasadeed ah.

    Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dhammaan saaxiibbada caalamiga ah inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah, ixtiraamaan madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana cambaareeyaan tallaabooyinka wiiqaya midnimada iyo xasilloonida dowladda Soomaaliyeed.

    Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay xaq u leedahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka sharciyeed ee lagama maarmaanka ah, iyada oo adeegsanaysa waddooyin diblomaasiyadeed, sharci iyo habab kale oo ku habboon, si ay u difaacdo madaxbannaanideeda, wadajirka dhulkeeda iyo midnimada qarankeeda.

    Soomaaliya waxay weli ka go’an wada-hadal nabadeed, xasilloonida gobolka iyo iskaashi wax-ku ool ah oo ay la yeelato dhammaan saaxiibbadeeda.

    Hase yeeshee, ma aqbali doonto tallaabo kasta oo ku xadgudbaysa madaxbannaanideeda ama halis gelinaysa midnimada shacabka Soomaaliyeed.

    DHAMMAAD.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyayaal degmo

    November 9, 2026

    Ilhan Omar oo guul taariikhi ah ka gaartay doorashada Mareykanka

    November 4, 2026

    Miisaaniyadda 2027 ee Puntland oo noqotay $308,213,973

    November 3, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyayaal degmo

    Ilhan Omar oo guul taariikhi ah ka gaartay doorashada Mareykanka

    Miisaaniyadda 2027 ee Puntland oo noqotay $308,213,973

    Uganda oo shaacisay war naxdin geliyay maamulka Xassan Shiikh

    Mareykanka oo bilaabay tababarka Ciidamo gaar ah oo Puntland yeelanayso – (Sidee loo qoray?)

    Askar katirsan Ciidamada Uganda oo ka duulay Muqdisho

    GAROOWE: Booliska Puntland oo qabtay gaari sidday Hub

    XOG: Puntland oo dhistay Cutub Ciidan oo ku dagaallama diyaaradaha Drones-ka

    Booliska gobolka Mudug oo la wareegay qalab Isgaarsiineed

    Deni “Waxaan kula talin Xassan Shiikh isagoo tiisa u turaya in uu is casilo”










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.