Akhriso:-Buugii Madaxweyne farmaajo uu ku aflagaadeeyay Beelaha iyo Madaxweynayaasha Aadan-Cade iyo Cabdirashiid Cali Sharmarke

Maxamad C/laahi Maxamad Farmaajo ayaa 2009-kii wuxuu qoray buug loogu gefay dhamaan madaxdii soo martay dalka Soomaaliya, iyo qaar ka mid ah qabaa’ilka Soomaalida, kuwaas oo uu ka qoray waxyaabo ay ka xishoodeen xittaa inay qoraan dadka ajaanibta ah ee Soomaaliya wax ka qora.

Madaxdii Soomaaliya soo martay, sida Aden Cabdulle Cusmaan, C/rashiid Cali Sharmarke, Maxamad Siyaad Barre, Cabdullaahi Yuusuf ayuu mid kasta ka qoray waxyaabo madaxdaas ka sokoow sumacad xumo u keenaya Soomaalida.

Sidoo kale qaar ka mid ah Qowmiyadaha Soomaalida oo ay ka mid yihiin Hawiye, Isaaq, Digil iyo Mirifle iyo qabiilka Majeerteenka ayuu ka qoray iyagana wax u muuqda ceebayn iyo aflagaaddo.

Madaxweyne Aden Cabdulle Cismaan iyo C/rashiid Cali Sharmarke ayuu ku tilmaamay kuwa Gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaanigu wateen oo madax ka dhigeen, sababtana wuxuu ku macneeyaya xiriir labadooda qabiil Mudulood iyo Majeerteen ay la lahaayeen Gumaystaha Talyaaniga oo uu sheegay inay gacan ku siiyeen qabsashadiisii Soomaaliya iyo joogistiisii, Halka Isaaqna ay fgacan siiyeen Ingiriiska, sidaasi darteed ayuu sheegay in loogu abaal guday in saddexdaas beelood ay hormuud u noqdaan Soomaalida oo ay horsocdaan, wuxuuna intaas raaciyay inay weligood ahaayeen talo wadaag.

AKHRISO: Maxaad Ka Taqaan Taariikhda Shaqsiyaadka Hormuudka Ka Ah Ololaha Doorashadda Musharax Farmaajo?

Wuxuu sheegay in Mudulood, Isaaq iyo Majeerteen siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo cilmi ahaan ay ka dhiseen Gumaystihii Ingiriiska iyoTalyaaniga, isagoo farta ku fiiqay in beelahaas oo dhan waxbarasho iyo deegaan loogu qaadi jiray London iyo Talyaaniga, sidaasna ay ku ahaayeen kuwa dadka ka madaxyo fiiqan, oo siyaasad ahan iyo dhaqaale ahaanba ka dhisan markii loo eego beelaha kale ee Soomaalida, waxayna ahayd ayuu yiri abaal gudkii wada shaqayneed ee ay layeesheen Gumaysiga.

Wuxuu xusay in Siyaasadda Soomaaliya aysan ku dhisnayn awood wadaag iyo talo qaybsi, laakiin taas bedelkeeda ay ku salaysnayd qorshe gumaytuhu uga tegay beelahaas oo ahaa “qoladii Hogaanka haysa ayaa wax kasta iska leh”, isagoo carabka ku dhugtay in arrintaas ay ka goows adaygeen Mileterigii dalka afgambiyay ee uu hogaaminayay Madaxweyne Siyaad Barre.

Wuxuu sheegay in Beelihii Gumaystuhu ka sara mariyay kuwa kale ay isla markiiba qoonsadeen kacaankii, sababtoo ah waxay waayeen wixii ay haysan jireen, sidaas darteed waxay kalliftay in Siyaad Barre, uu la dagaalo oo Xasuuq Ba’an u gaystay Qabiilka Hawiyaha, Isaaq iyo Beesha Majeerteen, sababta wuxuu ku sheegay in Majeerteenku Daaroodka Hor socdeen, Muduloodkuna Hawiyaha, Isaaq-na kaligood socdeen, laakiin ay ka midaysnaayeen la shaqayntii Gumaysiga iyo Horsocoshadii beeelaha kale ee uu u sahlay gumaysigu.

AKHRISO: Gaashaanle Sarre Cabdilaahi Cabdiraxmaan Oo Ka Sheekeeyay Kufsigii Farmaajo Ka Gaystay Xamar 80-Meeyadii.

Siyaad beelaha uu la dagaalay waxay ahaayeen kuwii gumaysigu hogaanka ku ilaalinayay, mid ka mid ah sababaha ugu wayn ee dagaalka ka dhex dhaliyay iyaga iyo dowladdii Siyaad Barre ayuu ku sheegay inay ahayd, iyadoo labadii dowladood ee Aden Cadde iyo Sharmarke, Shaqooyinka ugu badan iyo xilalka dowladda ay madaxda ka ahaayeen dadkii gumaysigu wax baray ee ka mid ahaa beelahaas Isaaq, Hawiye iyo Majeerteen, sababo la xiriira Gumaysiga oo ay ku daabnaayen oo dhinac kasta ka hormariyay aqoonta iyo maamulkaba.

Wuxuu xusay in Siyaad Barre, dagaalkii uu lagalay Qabaa’ilka Hawiyaha, Isaaq iyo Beesha Majeerteen uu keenay inuu cadow badan ku yeesho gudaha Soomaaliya, sidaasi darteed, wuxuu ku fikiray inaysan sii kordhin mucaaradkiisa oo uusan ku faafin beelo kale, markaas ayuu dalka Soomaaliya Geliyay buu yiri dagaalkii Itoobiya oo ahaa mid aan loo baahnayn, si uu ugu mideeyo dadka aan beelahaas ahayn.

Waxaa kaloo uu sheegay in Dagaalkaas dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya ciidankii Soomaalida lagu jebiyay, ayna noqdeen, mid dhintay, mid dhaawacmay, iyo mid Itoobiya qabatay, intii kasoo hartay qaar Saraakiishii mileteriga ka mid ahaa ayaa dhabarka ka toogtay, halka koox kale oo u badnaa Majeerteen iyo Isaaq ay u galeen dalkii lala dagaalamayay ee Itoobiya, waxaana hormuud u ahaa ayuu yiri C/llaahi Yuusuf Axmad oo ka soo jeeda Majeerteen, isla markaana diidanaa xukunka aysan majeerteenku hormuudka ka ahayn.

AKHRISO: Ninkii Maal-Galiyay Xasan Sheekh 2012 Oo Sannadkaan Madaxweyne Ka Dhigay Farmaajo {WAA KUMA..?}

Shirkii Soomalida loogu qabtay Kenya 2004-tii, ayuu qoraalkiisa ku sheegay inay garwadeen ka ahaayeen, Itoobiya iyo Kenya, waxayna saxiibbo badan ka sameysteen ayuu yiri qabiilaadkii Gumaysiga la shaqayn jiray iyo beelo kale, iyagoo dano badan oo siyaasadeedna ka lahaayeen dalalkaasi wadanka Soomaaliya, sidaas darteed aad ayay ugu dhex jireen oo u garanayeen xisaabta qabaa’ilka ka dhexeysa ayuu ku yiri buugiisa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadkii halkkaas isugu tegay oo ay hormuud u ahaayeen Hogaamiye kooxeedyo u badan Hawiye iyo Daarood, gaarahan Majeerteen loo sahlay inay iyagu sameeyaan Baarlaman ku dhisan 4.5 kaas oo awoodda siinayay qabiiladaas, waxayna isla markiiba hogaankaas u dhiibeen Cabdulaahi Yuusuf oo isaguna magacaabay Cali Geedi, waxaana xisaabta loo celiyay ayuu yiri halkeedii hore ee markii gumaysigii Talyaaniga iyo Ingiriiska joogeen oo ay Soomaalida hor socdeen Majeerteen iyo Mudulood, wuxuuna Cabdallaahi Yuusuf dowladdii la tegay buu yiri Jowhar oo ah magalo yar oo uu ku badan yahay qabiilka Cali Geedi.

Buugaas wuxuu ka koooban yahay 4 qaybood oo ka hadlaysa wax yaabo aad u tiro badan, wuxuuna ugu magac daray, Hammigii Maraykanku ka lahaa Soomaaliya laga soo bilaabo dagaalkii qaboobaa ilaa iyo kii argagixiso ladagaalanka, buugaas oo xasaasiyad badan ka kiciyay Soomaalida dhexdeeda, waxaa inuu daboolo ceebtiisa isku dayay oo qari waayay madaxweyne Shariif Sheikh Axmad uu markii uu Baarlamaanka tegay dorraad ee ka hadlay buugaas iyo inuusan macno wayn ku fadhin qaylo iyo sawaxan lagu kala tegay

1 Comment on "Akhriso:-Buugii Madaxweyne farmaajo uu ku aflagaadeeyay Beelaha iyo Madaxweynayaasha Aadan-Cade iyo Cabdirashiid Cali Sharmarke"

  1. Haddii uu sidaas qoray waa si taas ka fiican loogu jawaabaynnaa oo xaqiiqooyin qoraal ah lagu jawaabaa iyadoo aan waxba la dudin oo la croon.

    Sidoo kalana wax waa ka jiraan isbahaysiyada beelaha qaarkood… dulmiyo iyo eexda waa jireen xilligii kacaanka iyo ka horba

Leave a comment