Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub oo loo haysto musuq
    Somalia

    Xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub oo loo haysto musuq

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 3, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa bilaabay hanaan degdeg ah oo la doonayo in xasaanadda lagaga xayuubiyo laba mudane oo ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub, ka dib codsi uga yimi hay’adaha garsoorka ee dalka Belgium, kuwaas oo baadhaya fadeexad weyn oo musuqmaasuq oo ruxday Midawga Yurub.

    Baarlamaanka Yurub ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Roberta Metsola, inay ka codsatay dhammaan adeegyada iyo guddiyadu inay mudnaanta siiyaan arrintan, iyada oo la doonayo in la dhameeyo inta ka horraysa bisha February 13-keeda.

    “Waxaa markii ugu ugu horraysay uu baarlamaanka Midawga Yurub uu sameeyey wax kasta oo awooddiisa ah, si uu uga gacan geysto baadhitaanada socda, waxaanna sii wadi doonaa inaan hubinno inaanay jiri doonin meel lagaga dhuunto isla xisaabtanka” ayay tidhi Metsola, waxayna hadalkeeda sii raacisay “Kuwa ka masuulka ah waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah. Lagama raalli noqon doono masuq maasuq, waxaanuna samayn doonaa wax kasta oo lagula dagaalamayo”

    Xubnaha warbaahinta ee ka hawlgala ururka Midawga Yurub, ma aanay aqoonsanin labadan xubnood ee ka tirsan baarlamaanka, hase ahaatee laba masuul oo magacyadooda qariyey, maadaama oo aan loo ogolayn inay dhacdadan ka hadlaan ayaa tilmaamay in labada xubnood ay kala yihiin Andrea Cozzolinooo oo Talyaani ah iyo Marc Tarabella oo Belgium ah.

    Xubnahan oo lala xidhiidhay wax falcelina kama bixinin arrintan.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.