Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ G๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐—ฎ๐—บ๐—ป๐—ถ๐—ด๐—ฎ
    Somalia

    ๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ G๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐—ฎ๐—บ๐—ป๐—ถ๐—ด๐—ฎ

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 4, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey xaaladda amniga dalka iyo cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer.

    Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay hawlgallada dib u xoreynta, oo illaa hadda guulo waaweyn laga gaaray gaar ahaan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

    Hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa lagu dilay in ka badan 2000 oo maleeshiyaad Khawaariij ah afartii bilood ee u dambeysay.

    Raโ€™iisul Wasaaaraha ayaa xusay in xukuumaddiisa ay ka goโ€™an tahay ciribtirka Khawaariijta oo hadda wakhtigooda uu gabaabsi yahay.

    Waxaa kale oo uu sheegay in xukuumaddu dadaal gelin doonto sidii ay ugu guulaysan lahayd in dalkeenna laga qaado cuna-qabateynta hubka.

    Shirka ayaa lagu soo jeediyay dhisitaanka guddi ka kooban laba heer oo kala ah guddi fulin iyo guddi farsamo oo ka shaqeyn doona fulinta bartil-maameedyada qorsheysan ee Dowladda Soomaaliya ku xaqiijinayso in dalka si dhameystirsan looga qaado Cunaqabataynta hubka, taasi lagu fulinayo muddo sanad gudaheed ah.

    Shirka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale lagu gorfeeyey hindise sharciyeedyada Hayโ€™adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada iyo hindise sharciyeedka Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

    —DHAMMAAD—-

    Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
    Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
    Farxaan Maxamed Jimcaale
    farhan.jimale@opm.gov.so
    media@opm.gov.so
    Muqdisho, Soomaaliya
    www.opm.gov.so
    Twitter:
    @SomaliPM
    Facebook:
    OPMSomalia
    instagram:
    opmsomalia

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntlandโ€™s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    Puntlandโ€™s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Puntlandโ€™s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    Puntlandโ€™s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.