Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Congress-ka Mareykanka oo weli aan yeelan Afhayeen
    Somalia

    Congress-ka Mareykanka oo weli aan yeelan Afhayeen

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 6, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka ayaa maalintii Saddexaad waxaa ka tagaan ismarin waa la xiriira dadaallada ay Xildhibaanada ku doonayaan in ay ku doortaan Guddoomiye cusub.

    Waa dib u dhacii ugu dheeraa tan iyo dagaalkii sokeeye ee Mareykanka. Kevin McCarthy oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa marar badan ku guuldareystay inuu ka guuleysto xubnaha mayalka adag ee Xisbigiisa.

    Koox ka mid ah garabka Midig ee Xisbigiisa,ayaa hakiyay isku daygii 11-aad ee la doonayay in lagu doorto isaga maalinta Saddexaad ee Codbixinta.

    Jamhuurigu waxay la wareegeen Aqalka doorashadii dhexe ee bishii November, hase yeeshee ismari waaga,ayaa ka dhigay Aqalka in ay awoodi waayeen in ay dhaariyaan xubnaha ama ay soo gudbiyaan hindise sharciyeedyo.

    Laga soo bilaabo 1860-kii, markii Ururka Midowga Maraykanku uu ku muransanaa arrinta addoonsiga,Aqalka hoose ee Congress-ka,ayaa marar badan u codeeyay in ay doortaan Afhayeenka.

    Markaas waxay qaadatay 44-wareeg oo codbixin ah. Koox ka kooban 20 Sharci-dajiyayaal,isla markaana ka tirsan Xisbiga mayalka adag ee Jamhuuriga,ayaa diiday in ay Mr McCarthy siiyaan 218ka cod ee lagama maarmaanka ah.

    BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.