Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ma dhabaa in Booliska Kenya ay leeyihiin Kunteenar Dadka lagu Gowraco
    Somalia

    Ma dhabaa in Booliska Kenya ay leeyihiin Kunteenar Dadka lagu Gowraco

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 6, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa qirtay in uu shaqada ka eryay Agaasimihii Hore ee Hay’adda Dambi baarista Kenya, arrintaas oo aan horay loo sii ogeyn.

    Markii uu Ruto magacaabayay agaasimaha cusub waxa uu sheegay in madixii hore ee Waaxda Dambi baarista uu si iskiis ah xilka isaga casilay.

    Hase ahaatee madaxweynaha Kenya ayaa hadda sheegay in uu George Kinoti xafiiska uga eryay sababo la xiriira dad la waayay oo si Khasab ah lagu kaxeystay iyo dilal sharciga ka baxsan.

    Madaxweyne Ruto ayaa shir jaraa’id oo uu xalay qabtay warfidiyeenka ugu sheegay in ay ka go’an tahay sidii uu u xaqiijin lahaa in uusan dhicin dil sharci darro ah oo ay boolisku geystaan.

    Waxa uu shaaca ka qaaday in boolisku ay sameysteen meel ay ugu talogaleen in ay dadka ku laayaan.

    “Waxaa jiray konteenar yaalla meel ka tirsan Nairobi oo gudihiisa dadka lagu gowrici jiray – waa konteenar yaalla meel saldhig boolis dhexdiisa ah – sideen ku gaarnay ilaa heerkaas? Maxay tahay hay’adda sidaas u noqotay mid fulisa waxyaabo aan la amrin oo ay iskeed u sameyneysay? Sababtaas ayaan shaqada uga eryay ninkaas la dhaho Kinoti,”Ayuu yiri Ruto.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in uu hay’adda dabagalka ku sameysa falalka booliska ku amray in ay soo baarto kiisaskaas.

    Waxa u uku adkeystay in booliska ay ku khasban yihiin in ay sharciga u hoggaansamaan, isagoo sheegay in u hoiggaansamidda sharciga ay ku jirto in ay iyaga qudhooda iska difaacaan dambiileyaasha.

    Ruto ayaa markii uu xafiiska ka eryay Kinoti waxa uu xilka Agaasimaha Hay’adda Dambi baarista ee Kenya u magacaabay nin ka tirsan Soomaalida Kenya oo la yiraahdo Amiin Ibraahim Maxamed oo in muddo ah ka soo shaqeynayay laamaha amniga.

    Hay’adda Dambi Baarista oo magaceeda loo soo gaabiyo (DCI) ayaa dowladda u qaabilsan dambi baarista guud, waxa ayna dabagal ku sameysaa dhammaan fal-dambiyeedyada shacabka iyo kuwa lagu tuhmo siyaasiyiinta.

    Dadka kale ee caanka ah ee loo heysto dilal dhacay waxaa ka mid ah askari ka tirsan booliiska Kenya oo caan noqday ka dib markii muuqaallo lagu duubay mobilada ay muujiyeen isaga oo dilaya laba wiil sannadkii 2017.

    Hay’adda Madaxa-banaan ee Kormeerka Booliska (IPOA) ayaa sheegtay inay heshay dacwado ka dhan ah Dable Axmed Rashiid oo maalin cad labada wiil ku dilay xaafadda Islii ee magalaada Nairobi, bishii Marso 2017-kii.

    Axmed Rashiid oo dabayaaqadii bishii November ee sanadkii tagay kasoo hor muuqday maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa garsoorka ka codsaday in kiiskiisa dib u eegis lagu sameeyo, isagoo ku dooday in dacwadda ka dhanka ah ay ku hoos duugan yihiin dano gaar ah oo uusan xilligaas faahfaahin.

    Madaxweynaha Kenya oo xilka loo caleema saaray bishii September ayaa intii uu ololaha doorashada ku jiray ballan qaaday in haddii la doorto uu wax ka qaban doono dilalka aan sharciga loo marin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.