Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Ma nihin Hal Dowlad Ee waxaan nahay Hal Dal oo Somaliya la yiraahdo.!!
    Somalia

    Faallo:-Ma nihin Hal Dowlad Ee waxaan nahay Hal Dal oo Somaliya la yiraahdo.!!

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 12, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne XSM wuxuu yiri waxaan nahay hal Dal iyo Hal Dowlad:

    Tan kowaad waxaan nahay hal Dal oo Somaliya la isku yiraahdo.

    Tan labaad hal Dowlad ma nihin, taas oo ahaan lahayd wadatashagii siyaasadeed, Amni iyo Dhaqaale ee Dalka isku wadi lahaa, lana Aamini lahaa hogaankiisa:

    Dowladda XSM ee laga doonayey kalsoonida iyo dhameystirka shuruuc qabyo Dalka u ah:

    Awoodda Dowladda siduu u qeybiyey ayey ka muuqaataa in Xassan uu la yimid ficil tafaraaruq ah, halka uu Afka ka leeyahay Somali Heshiis ah.

    Xassan asaga,ayaa isku ah wax walba- Madaxweyne, Gole Xukuumad iyo Gole Baarlamaan.

    Qeybinta Awoodda – Xisbiga UPD:

    1. Raysal Wasaare (Daarood) UPD
    2. Arrimaha Gudaha (Hawiye) – UPD
    3. Dastuurka (Hawiye) UPD
    4. Cadaaladda (Hawiye) UPD
    5. Qorsheynta (Hawiye) UPD
    6. NISA ( Hawiye) UPD
    7. Maaliyadda (Dir) UPD
    8. Waxbarashada (RAH) UPD
    9. Caafimaadka (UPD)
    10. Kaluumeysiga (Dir) UPD
    11. Maaliyadda (Isaaq) UPD
    12. Amniga (Daarod) UPD
    13. Degaanka (UPD)
    14. Arrimaha Dibedda (Daarood)

    Shaxda kore waxay muujineysaa in HSM uusan diyaar u ahayn in Soomali heshiiso,waana sababta Puntland u diiday in Masiirkeeda ay hoos dhigto HSM oo weligiis siyaasad ahaan ahaa nin faquuqa reer Puntland.

    Muqdisho waxaa ka socda in shaqooyinkii Federaalka laga wada qaadayo dad badan oo heybtoodu tahay Daarood,waxaana dib u soo laabatay Qabyaalad xoog badan oo abuurtay in:

    Golaha Wasiirada Hawiye iyo UPD ay sameystaan gole u gaar ah. Sidoo kale Xubnaha Golaha Baarlamanka Hawiye waxaa loo sameeyey Gole wadatashi. Dhamaantood waxay toos ugu xiran yihiin HSM. Halka xubnaha reer Koofur Galbeed ay aad u kala qeybsan yihiin, dagaal siyaasadeed ay kula jiraan Gobolkoodii. Sidoo kale, xubnaha Daarood ee Jubbaland laga soo doortay ayaa midnimadoodu aad u hooseysaa, ayagoo ku kala qeybsan arrimaha Gobolka Gedo. Xubnaha Puntland ee labada Aqal ayaan mideysneyn dhexdooda, Puntland xiriir wanaagsan la lahayn.

    Ugu dambeyn, HSM lix bilood ayaa maradii uga dhacday, kamana xishoonayo qabyaalad – caddeyn (hogaanka NISA).

    Ha la doono sidii Soomali ku heshiin lahayd…

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.