Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xubin ka tirsan Alshabaab oo la dul dhigay Lacag Madaxiisa
    Somalia

    Xubin ka tirsan Alshabaab oo la dul dhigay Lacag Madaxiisa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 13, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mareykanka,ayaa ku dhawaaqaya abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-Milyan oo Dollar ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Cabdi Aaden iyo Dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii hotel DusitD2 ee 2019-kii, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 -Qof oo uu ku jiray muwaadin Mareykan ah.

    Agaasimaha Waaxda Dembi-baarista ee DCI ee Kenya Amiin Maxamed Ibraahim iyo Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya Meg Whitman oo shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay xarunta Dembi-baarista Kenya ayaa ku dhiirrageliyay dadweynaha inay lasoo xiriiran hay’adaha ammaanka haddii ay hayaan ama ay helaan xogta iyo muuqaalka ‘eedeysane’ Maxamuud Cabdi Aaden.

    “Waxaan maanta ku dhawaaqayaa abaal-marin lacageed oo dhan 10 milyan oo dollar ciddii keenta xog lagu soo xiro Maxamuud Cabdi Aadan iyo kooxdii ka caawisay ama gacanta ka geysatay weerarkii hotel DusitD2” ayay tiri safiirka Mareykanka ee Kenya Meg Whitman.

    Kooxda xiriirka la leh al-Qaacida ee Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii 15-kii Janaayo, 2019 ee dhismaha hoteelka DusitD2, oo socday ku dhawaad 20 saacadood, taas oo ay ku dhinteen ugu yaraaan 21 qof, oo uu ku jiro muwaadin Mareykan ah.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    GAROOWE: Booliska Puntland oo qabtay gaari sidday Hub

    November 1, 2026

    XOG: Puntland oo dhistay Cutub Ciidan oo ku dagaallama diyaaradaha Drones-ka

    October 31, 2026

    Booliska gobolka Mudug oo la wareegay qalab Isgaarsiineed

    October 31, 2026
    Latest Posts

    GAROOWE: Booliska Puntland oo qabtay gaari sidday Hub

    XOG: Puntland oo dhistay Cutub Ciidan oo ku dagaallama diyaaradaha Drones-ka

    Booliska gobolka Mudug oo la wareegay qalab Isgaarsiineed

    Deni “Waxaan kula talin Xassan Shiikh isagoo tiisa u turaya in uu is casilo”

    MUQDISHO: Bixitaanka Ciidanka Ugandha ee Shabeellaha Hoose oo kala carar ka abuuray Muqdisho

    Baarlamaanka Puntland oo xasaanada ka qaadaya Wasiiro katirsan Xukuumadda Deni

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga Badda Cas – oo PUNTLAND uga qeybgashay Addis Ababa ?

    GAROOWE: Puntland oo xirtay Akoonadii maleeshiyaadka Xassan Shiikh lacagta loosoo marin jiray

    Netanyahu iyo isbaheysigiisa oo lumiyay aqlabiyada doorashada Israa’iil

    Puntland iyo Denmark oo ka wada-hadlay iskaashiga Amniga










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.