Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaybtii-2aad Taariikhda Dhaqanka Ee Gobolka Mudug
    Somalia

    Qaybtii-2aad Taariikhda Dhaqanka Ee Gobolka Mudug

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 14, 2023No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qaybtii-2aad Ee Ee taariikhdii Dhaqanka Mudug .

    Taariikhdii Islaan Cabdille islaan Faarax Islaan Aaden Islaan Maxamud Ugaas Faarax Ugaas Maxamed Ugaas Mahad …..

    “Odayaddii aan soo gaaray ama ii waramay oo dhan waxay isku waafaqeen arimahan iyo sifooyinkan inuu lahaa Islaan Cabdille , “

    1.Cadaalad

    2.Hufnaan

    3.Sinaanta dadka oo isku mid u’ahaa dadka deegaanka uu isinka ka yahay ku nool dhamaan.

    4.Isim aan cidna xigaal u’ahayn dadkuna mid uyahay.

    5.Inta la’ogyahay islaanku waligii arimaha siyaasada eedeeda waa ka dhowrsan jiray.

    6 Eexda Islaanku ma’aqoon.

    7.Islaanka Albaabkiisa wali lagama horjoogsan Odayada Miyiga bal taas mid ka duwan bay ahayd oo dhaqanka Guriga iyo hoyga Islaanka waxaa fadhiyey Odayada oo dhan Miyi iyo Magaalo.

    8.Islaanku waxa uu wax ku eego maahayn sida: qofku taajir uyahay ama mansab uhayo kuwaa waaba ka fogaan jiray inta laxaqiijiyey.

    9, taariikhda madhicin Albaabka Islaan Cabdille Islaan Faarax in ay ka noqdeen Odayaal ergo ah ama arin usocda beesha iyo reerkay doonaan ha’ahaadeen.

    10.Gurigiisu wuxuu hoyaatin u’ahaa cidkasta iyo beelkasta oo Mudug Deegaan ku leh .

    “(Fiiro gaar ah “ waxaan Mar aan gaar uraadiyey sida beelaha mudug uu u’ahaa, waxay iisheegeen beesha Leelkase oo Islanka dhalay inay ahaayeen qayb ka mid ah dadka islaanku dhaqanka uyahay waliba Reer Fiqi Ismaaciil iyo beesha Xereed Labaduba. )”.

    Islaan Cabdile Islaan Faarax isaga iyo Aabihiis labadaba waxaa dhalay beesha Xereed ama Leelkase.

    Halka islaan Aaden & Aabihii Islaan Maxaamud ay dhaleen Ogaadeen.

    Islaan Aaden Islaan Maxamuud waxaa Caruurtiisa dhalay dhamaantood Laba Beelood oo kaliya waxayna ahaayeen , Beesha Ogaadeen iyo beesha Xereed ama Leelkase.

    Markaa Islaan Cabdille Islaan Faarax waxa uu ahaa isim lahaa sifooyin aad usareeya oo aan marnaba habayaraatee dadkiisu diidin.

    Islaanku ma’ahayn nin Xoolo jecel waxaa la’iisheegay oo waliba Ragii ku dayrnaa iisheegeen inuusan waligii Gacantiisa luqunta ku dhajin laakiin uu aad gacan furnaan ulahaa .

    Islaan Cabdille malahayn hanti iyo qasriyo waaweyn mana lahayn hanti Kale oo bank-yadda buuxda.

    Islaan Cabdille Islaan Faarax inta la’ogyahay taariikhda wuxuu ahaa Nin ducadiisa rabbi aqbalo oo karaamo leh iyo burji wayn oo ilaahay ku galladay .

    Islaan Cabdille Rag badan buu dhalay oo bahda bah Leelkase ugu badan tahay oo ahaa bahda lahayd dhaxalka sida uu hada ka hor Muuse Geelle sheegay .

    Macalin Cabdirahman Muuse Islaan Aaden mar aan waydiiyey wuxuu igu yiri “.

    “Islaan Cabdille aniga oo kaliya buu iisheegay Ninka saldanada loo dhiibayo waayo waxaa Gacan Yare u’ahaa Bashiir Islaan Cabdille oo Nin yar ahaa (hadana ah Islaanka meeshii jooga )

    Waxa uuna Islaan Cabdille igu yiri buu yiri”Hadaad haysaan Wiilkaa oo waliba adigu khatimka uhaysid oo talada uusan lacararin ee gacanta lagu dhigo Todoba awoowayaashiisa kama yaraysandoono, hadiise ay dhici waydo meelna kuma Ogi”.

    MB: Islaanka hada jooga caleema saarkiisa dood badan baa ku daahnayd oo muddo door ah socotay , reer Islaan Aaden iskuma raacin, oo waliba Bahdaan Bihna Ciise ee hada islaan Bashiir ku wareegsan waxay rabeen Maxamud Islaan Cabdille oo Xamar lagu Qarxiyey Xiligii T.F.J .

    Islaanka waxaa soo gudbiyey Reer Islaan Aaden & Reer Maxamud Faarah marka laga reebo Xuseyn Muuse Islaan Aaden oo isagu iskaba diiday Islaanka hada jooga .

    Fiiro gaar Ah ) Macalin Cabdiraxman AUH) waxa uu ahaa raga Islaan Cabdille sida gaar ah ugu dhawaa.

    Waxaa jiray odayaal Cumar Maxamuud ah oo ahaa Hugaanka Cumar Maxamuud oo Islaanka aan cagta ka qaadi jirin marna .

    Waxaa Odayaasha ka mid ahaa”.

    Maxamud Guray Cali Sarmaan .
    Ahmed Geyre Dalabeey .
    Khaliif Xaaji Jaamac .
    Aaden Seed.
    Yuusuf Dhuux Cali Bare
    Xaaji Warsame Cali Yey
    Cigaal Ahmed Caymo
    Cumar Maxamuud Gaani
    Xassan Faarax Nuur
    Maxamed Geesa-Cadde .
    Jaama Biixi Xanaf
    Xassan Buraale
    Jaama Warsame Islaan
    Abshir Xaashi Bootaan

    Ragaasi islaanku waxa uu u’ahaa Gudoon markii talada lasoo gorfeeyo meel-cadna lagu ogaaddo ,oo dhankasta laga fiiriyo islaanku waxa uu u’ahaa Gudoon aan hadal laga daba oranayn.

    W:Q, Caaqil Xabiib Sheikh Yaasin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.