Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waraaqaha Siraha ah Ee laga kala helay Guryaha Biden iyo Trump oo xiisad Siyaasadeed ka dhex abuuray Maraykanka
    WASHINGTON, DC - JANUARY 06: A large group of pro-Trump protesters stand on the East steps of the Capitol Building after storming its grounds on January 6, 2021 in Washington, DC. A pro-Trump mob stormed the Capitol, breaking windows and clashing with police officers. Trump supporters gathered in the nation's capital today to protest the ratification of President-elect Joe Biden's Electoral College victory over President Trump in the 2020 election. (Photo by Jon Cherry/Getty Images)
    Somalia

    Waraaqaha Siraha ah Ee laga kala helay Guryaha Biden iyo Trump oo xiisad Siyaasadeed ka dhex abuuray Maraykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 17, 2023Updated:January 17, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xafiiska la taliyaha sharciga ee Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay Isniintii inaanu jirin wax ku saabsan ‘diiwaanka martida’ oo yaalla guriga madaxweyne Joe Biden ee ku yaalla gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware. Arrintan ayaa daba socotay, ka dib markii uu mudane ka tirsan xisbiga Jamhuurigu uu codsaday in lala wadaago diiwaanka martida booqatay guriga Madaxweyne Joe Biden ee ku yaalla Delaware, halkaas oo laga helay waraaqo sir ahaa oo dawladdu lahayd.

    Axaddii ayaa xafiiska James Comer oo ah guddoomiyaha cusub ee guddida kormeerka ee Aqalka Wakiillada Maraykanku, wuxuu ka codsaday Ron Klain oo ah madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad inuu macluumaad ka siiyo, ku saabsan baadhitaankii lagu sameeyey waraaqihii sirta ahaa ee laga helay xafiiska Biden ee ku yaalla magaalada Washington iyo weliba gurigiisa Delaware.

    Waxyaabaha uu codsaday waxaa ku jiray, faahfaahin la xidhiidha dadkii booqday guriga tan iyo intii uu Joe Biden madaxweynaha noqday, oo ahayd January 2021.

    “Sida madaxweyne kasta oo soo maray Maraykanka tobanaankii sano ee ugu dambeeyey ee taariikhda casriga ah, guriga gaarka ah ee madaxweynuhu waa kuwo isaga u gaar ah” sidaas waxaa yihi xafiiska la taliyaha sharciga ee Aqalka Cad.

    Ciidanka ilaalada ee u xilsaaran ammaanka madaxweynaha ayaa sheegay, inkasta oo ay ilaaliyaan ammaanka guriga madaxweynaha, haddana inaanay si joogto ah u diiwaangelin, cidda baxaysa ama soo gelaysa.

    “Si madaxbanaan uma ilaalino diiwaanka martida sababtoo ah waa guri gaar ah,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay ciidanka ilaalada madaxweynaha.

    Xubnaha cusub ee Jamhuuriga ee la wareegay aqalka wakiillada ayaa haatan dalbanaya macluumaad dheeri ah oo ku saabsan cidda heli kartay macluumaadka sirta ah ee laga helay guriga Biden, tan iyo markii xafiiska ka degey sannadkii 2017.

    Biden ayaa sheegay inuu aad ula yaabay in waraaqo sir ah lala helay goobo isaga lala xidhiidhinayo.

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.