Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tirada Dadkii ku Geeriyooday colaadii Tigreega iyo Dowlada Abiy oo la shaaciyay
    Somalia

    Tirada Dadkii ku Geeriyooday colaadii Tigreega iyo Dowlada Abiy oo la shaaciyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 17, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika ee colaadda Tigray ee Itoobiya, Olusegun Obasanjo, ayaa u sheegay wargeyska Financial Times (FT) in ilaa 600,000 oo qof laga yaabo inay ku dhinteen dagaalka Labada Sano ka socday Gobolka Tigreega.

    Wareysi uu siiyay wargeyska, ayuu Obasanjo ku sheegay in tirada dadka dhintay ay gaarayaan ku dhawaad ​​600,000 oo Qof.

    Waxaa adag in la xaqiijiyo tirada dadka ku dhintay dagaalka. Cilmi baarayaashu, ayaa waxay kal hore ku qiyaaseen in dhimashadu ay gaarayso boqollaal kun.

    Axadii, FT, ayaa soo xigatay madaxa guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya, Daniel Bekele, isagoo sheegay in qiyaasaha ay bixiyeen dhammaan dhinacyada ay u baahan yihiin, in si taxadar leh loo wajaho, maadaama aysan suurtagal ahayn “in la ogaado tirada buuxda ee dhaawacyada”.

    Colaadda ayaa bilaabatay bishii Nofenbar ee sanadkii 2020, markaasoo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu amar ku bixiyay duullaan milateri oo ka dhan ah ciidamada gobolka Tigreega, taasoo uu sheegay inay jawaab u tahay weerar lagu qaaday saldhig ciidan, oo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda.

    Bishii Nofember ee la soo dhaafay ee sanadkii hore ee 2022-ka, ayaa dowladda Itoobiya iyo Maamulka Tigray, ay kala saxiixdeen heshiis xabbad joojin ah oo soo afjaraya dagaalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka iyo Iran oo ay ubadan tahay in heshiiyaan

    April 16, 2026

    Maraykanka oo xayiray Saliidii Iran Ee Shiinaha aadaysay

    April 16, 2026

    Faallo:-Saamaynta Shiinaha Ee Soomaaliya

    April 16, 2026
    Latest Posts

    Maraykanka iyo Iran oo ay ubadan tahay in heshiiyaan

    Maraykanka oo xayiray Saliidii Iran Ee Shiinaha aadaysay

    Faallo:-Saamaynta Shiinaha Ee Soomaaliya

    In ka badan Boqol Xildhibaan iyo Seneter Oo soo saaray Baaq

    Puntland oo Xasan Shiikh ugu baaqday in uu qabto Shir Deg-deg ah

    Trump oo Xabad joojin dhexdhigay Israa’iil iyo Lumnaan

    Somaliland rejects Somalia’s claims over its diplomatic engagement with Israel

    Dowlada Israa’iil oo Safiir usoo dirsatay Somaliland

    Beesha caalamka oo udigtay Maamulka Xasan Shiikh

    Maraykanka oo xiray Marinka Hurmus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.