Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo markii ugu horaysay la kulmay Guddiga diyaarinta Wada xaajoodka arrimaha Federaalaynta
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo markii ugu horaysay la kulmay Guddiga diyaarinta Wada xaajoodka arrimaha Federaalaynta

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 19, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe: 19 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah la yeeshay Guddiga diyaarinta Wada xaajoodka arrimaha Federaalaynta dalka, oo uu Madaxweynuhu magacaabay 14-kii January 2023.

    Madaxweynaha ayaa Guddiga uga warbixiyey marxaladaha Dowlad dhiska Soomaaliya laga soo maray iyo Shirarkii ugu danbeeyay ee Puntland ka qeybgashay ee ay isugu yimaadeen Madaxda Soomaaliyeed heerarkooda kala duwan, isagoo la wadaagay Guddiga faahfaahinta qodobadda bud-dhiga u ah Arrimaha Hadda taagan.

    Kulanku intuu socday Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Guddiga in Alle u fududeeyo masuuliyadda culus ee hortaalla, Guddiga diyaarinta wada xaajoodka Federaalaynta Dalka ayaa ka kooban Goleyaasha Dowladda iyo Khuburo ay ku jiraan siyaasiyiin hore xilal ugasoo qabtay Puntland oo xog ogaal u ah doodaha socda.

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    GAROOWE: Booliska Puntland oo qabtay gaari sidday Hub

    November 1, 2026

    XOG: Puntland oo dhistay Cutub Ciidan oo ku dagaallama diyaaradaha Drones-ka

    October 31, 2026

    Booliska gobolka Mudug oo la wareegay qalab Isgaarsiineed

    October 31, 2026
    Latest Posts

    GAROOWE: Booliska Puntland oo qabtay gaari sidday Hub

    XOG: Puntland oo dhistay Cutub Ciidan oo ku dagaallama diyaaradaha Drones-ka

    Booliska gobolka Mudug oo la wareegay qalab Isgaarsiineed

    Deni “Waxaan kula talin Xassan Shiikh isagoo tiisa u turaya in uu is casilo”

    MUQDISHO: Bixitaanka Ciidanka Ugandha ee Shabeellaha Hoose oo kala carar ka abuuray Muqdisho

    Baarlamaanka Puntland oo xasaanada ka qaadaya Wasiiro katirsan Xukuumadda Deni

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga Badda Cas – oo PUNTLAND uga qeybgashay Addis Ababa ?

    GAROOWE: Puntland oo xirtay Akoonadii maleeshiyaadka Xassan Shiikh lacagta loosoo marin jiray

    Netanyahu iyo isbaheysigiisa oo lumiyay aqlabiyada doorashada Israa’iil

    Puntland iyo Denmark oo ka wada-hadlay iskaashiga Amniga










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.