Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xasan Shiikh oo ka codsaday Maraykanka in uu ka garabsiiyo laalida cunaqabataynta Hubka Ee Somaliya saaran
    Somalia

    Xasan Shiikh oo ka codsaday Maraykanka in uu ka garabsiiyo laalida cunaqabataynta Hubka Ee Somaliya saaran

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 29, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay wefti ay hoggaaminaysay Danjiraha Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay Linda-Greenfield Thomas iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Somaliya Larry Andre.

    Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliya,ayaa lagu yiri..

    Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa la wadaagay Danjire Linda-Greenfield Thomas, hawlgallada Ciidamada Somaliya ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo deegaanada ay illaa haatan xoreeyeen, isaga oo ku bogaadiyey Dowladda Maraykanka, gacanta ballaaran ee ay ka geysteen la dagaallanka kooxda al-Shabaab, isagoo tilmaamay halista ay argagixisadu ku hayso Gobolka.

    “Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa xusay caqabadda ay ku hayso cunaqabataynta Hubka ee saaran Somaliya si dib loogu dhiso Ciidamada iyo dedejinta dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey Danjire LindaThomas in ay codka Mareykanka ku taageerto qorshaha dowladda Somaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Somaliya ay ka waddo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey”.Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Villa Somaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    September 5, 2026

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    September 5, 2026

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    September 3, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Wada shaqaynta Booliska iyo hay’adaha kale Ee Dowlada oo laga Shiray

    Faallo:-Xasan Shiikh oo Somaliya usoo raray loolanka Quwadaha

    Putin oo ku dhawaaqay in uu dagaalka Ukrain jpojiyo

    Maraykanka oo weeraro ku ekeeyay Ilaalada Kacaanka Iran

    Puntland:- Go’aano kasoo baxay Shirka Amniga Gobola Bari.

    MUDUG: Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee ka dhacay Gaalkacyo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.