Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»War-murtiyeed ka soo baxay Shirkii iskaashiga amniga Ee Wadamada Somaliya iyo safka hore
    Somalia

    War-murtiyeed ka soo baxay Shirkii iskaashiga amniga Ee Wadamada Somaliya iyo safka hore

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 1, 2023Updated:February 1, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaiya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed.

    Shirkan,ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo madaxdu ay falaanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

    Madaxda,ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii lagu xoreeyey deeganno badan oo ka tirsan dalka, kuwaas oo argagixisadu ay ka soo maleegi jireen falalka gurrucan iyo amni darrada heer dal iyo heer gobol, waxa ayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay In la sameeyo hawlgallo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Somaliya iyo Ciidamada Dawladdaha Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo lagu ciribtirayo Argagaxisa Al-Shabaab.

    Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Madaxda dalalka Kenya Mudane William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida ay u ajiibeen marti-qaadka uu u fidiyey, isagoo oo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay adkeynta xasilloonida gobolka iyo dabar-goynta argagixisada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    September 5, 2026

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    September 5, 2026

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    September 3, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Wada shaqaynta Booliska iyo hay’adaha kale Ee Dowlada oo laga Shiray

    Faallo:-Xasan Shiikh oo Somaliya usoo raray loolanka Quwadaha

    Putin oo ku dhawaaqay in uu dagaalka Ukrain jpojiyo

    Maraykanka oo weeraro ku ekeeyay Ilaalada Kacaanka Iran

    Puntland:- Go’aano kasoo baxay Shirka Amniga Gobola Bari.

    MUDUG: Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee ka dhacay Gaalkacyo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.