Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tartanka Hubka Niyuklayrka Ee Ruushka iyo Maraykanka oo dib ubilowday
    Somalia

    Tartanka Hubka Niyuklayrka Ee Ruushka iyo Maraykanka oo dib ubilowday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 24, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    LONDON – Waxaa jirta cabsi badan oo laga qabo tartan dhinaca hubka nukliyeerka ah oo caalami ah, ka dib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin u uku dhawaaqay toddobaadkan inuu joojinayo heshiiskii u dhexeeyey iyaga iyo Maraykanka ee ku aaddanaa xakamaynta hubka nukliyeerka iyo iska warhaynta labada dal, heshiiskaas oo lagu magcaabo the New START. Heshiiskan ayaa xadidaya tirada madaxyada hubka nukliyeerka ee ay haystaan Ruushka iyo Maraykanku.

    Heshiiskan oo magaciisa rasmiga ahi yahay, New Strategic Arms Reduction Treaty, ama heshiiska cusub ee si qorshaysan hoos loogu dhigayo hubka, ayay kala saxeexdeen madaxweynihii hore ee Maraykanka Brack Obama iyo madaxweynihii Ruushka ee xilligaas, Dmitry Medvedev. Heshiiskan hubka nukliyeerka ayaa ah, kan keliya ee sii hadhsanaa ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Ruushka.

    Madaxweyne Putin ayaa Salaasadii ku dhawaaqay inuu hakinayo ka qaybgalka heshiiskaas ee Ruushka, isaga oo ku doodaya in heshiiskaasi uu yahay “mid aan macquul ahayn” inuu sii shaqeeyo, xilli ay NATO caawinayso Ukraine si ay ula dagaalamaan Ruushka. Putin ayaa sheegay inuu ku amray saldhigyadiisa hubka nukliyeerku inay heegan galaan.

    Madaxweyne Putin oo habeenimadii Khamiista khudbad jeediyey ayaa ballanqaaday inuu lacago badan gelin doono horumarinta hubka nukliyeerka ee dalka Ruushka.

    Ruushka iyo Maraykanka ayaa leh 90% hubka nukliyeerka ee dunida yaalla. Sidaas awgeed ayaa heshiiskan la magac baxay the New START wuxuu xaddidayaa in labada dal ay haysan karaan illaa 1,550 madax oo hubka nukliyeerka ah, iyo in labada dal uu midba kan kale uu kormeer ku sameeyo xarumihiisa hubka nukliyeerka, 18 jeer sannadkii.

    Kormeerkan ayaa la hakiyey muddo 3 sannadood ah, xilligii uu dilaacay xanuunka COVID19, illaa haatanna dib looma dhaqangelin. Washington ayaa ku eedaysay Moscow inay ka masuul tahay dib u dhaca.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.