Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tartanka Hubka Niyuklayrka Ee Ruushka iyo Maraykanka oo dib ubilowday
    Somalia

    Tartanka Hubka Niyuklayrka Ee Ruushka iyo Maraykanka oo dib ubilowday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 24, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    LONDON – Waxaa jirta cabsi badan oo laga qabo tartan dhinaca hubka nukliyeerka ah oo caalami ah, ka dib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin u uku dhawaaqay toddobaadkan inuu joojinayo heshiiskii u dhexeeyey iyaga iyo Maraykanka ee ku aaddanaa xakamaynta hubka nukliyeerka iyo iska warhaynta labada dal, heshiiskaas oo lagu magcaabo the New START. Heshiiskan ayaa xadidaya tirada madaxyada hubka nukliyeerka ee ay haystaan Ruushka iyo Maraykanku.

    Heshiiskan oo magaciisa rasmiga ahi yahay, New Strategic Arms Reduction Treaty, ama heshiiska cusub ee si qorshaysan hoos loogu dhigayo hubka, ayay kala saxeexdeen madaxweynihii hore ee Maraykanka Brack Obama iyo madaxweynihii Ruushka ee xilligaas, Dmitry Medvedev. Heshiiskan hubka nukliyeerka ayaa ah, kan keliya ee sii hadhsanaa ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Ruushka.

    Madaxweyne Putin ayaa Salaasadii ku dhawaaqay inuu hakinayo ka qaybgalka heshiiskaas ee Ruushka, isaga oo ku doodaya in heshiiskaasi uu yahay “mid aan macquul ahayn” inuu sii shaqeeyo, xilli ay NATO caawinayso Ukraine si ay ula dagaalamaan Ruushka. Putin ayaa sheegay inuu ku amray saldhigyadiisa hubka nukliyeerku inay heegan galaan.

    Madaxweyne Putin oo habeenimadii Khamiista khudbad jeediyey ayaa ballanqaaday inuu lacago badan gelin doono horumarinta hubka nukliyeerka ee dalka Ruushka.

    Ruushka iyo Maraykanka ayaa leh 90% hubka nukliyeerka ee dunida yaalla. Sidaas awgeed ayaa heshiiskan la magac baxay the New START wuxuu xaddidayaa in labada dal ay haysan karaan illaa 1,550 madax oo hubka nukliyeerka ah, iyo in labada dal uu midba kan kale uu kormeer ku sameeyo xarumihiisa hubka nukliyeerka, 18 jeer sannadkii.

    Kormeerkan ayaa la hakiyey muddo 3 sannadood ah, xilligii uu dilaacay xanuunka COVID19, illaa haatanna dib looma dhaqangelin. Washington ayaa ku eedaysay Moscow inay ka masuul tahay dib u dhaca.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    September 5, 2026

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    September 5, 2026

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    September 3, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Wada shaqaynta Booliska iyo hay’adaha kale Ee Dowlada oo laga Shiray

    Faallo:-Xasan Shiikh oo Somaliya usoo raray loolanka Quwadaha

    Putin oo ku dhawaaqay in uu dagaalka Ukrain jpojiyo

    Maraykanka oo weeraro ku ekeeyay Ilaalada Kacaanka Iran

    Puntland:- Go’aano kasoo baxay Shirka Amniga Gobola Bari.

    MUDUG: Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee ka dhacay Gaalkacyo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.