Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Khatar ay Itoobiya hormuud utahay oo kusoo wajahan halganka difaaca Laascaanood
    Somalia

    Khatar ay Itoobiya hormuud utahay oo kusoo wajahan halganka difaaca Laascaanood

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 5, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Markii ay muuqatay in Ciidamadii Muuse Biixi ku jabeen LC,isla markaana dagaalkii isku badalay mid Qabiil oo Beelaha Harti gurmadkoodii kusoo shumay LC,ayaa qaylo dhaan bilaabatay.

    Sadexda Nin ee Dirta Itoobiya ugu jira Dowlada Fadaraalka Itoobiya,ayaa utagey Abiy kana dhaadhiciyay in badbaadinta SL ay muhiim utahay danaha Itoobiya ee Geeska.

    Abiy oo aragtidaas la qaatay,ayaa durba isku duba riday wefti muhiim ah oo bilaaba dhex-dhexaadin,kaasoo kusoo hormaray Hargaysa.

    Kulankoodii Garaadada waxay ku waydiiyeen aragtidooda xalka iyo doodooda.

    Ujeedka Itoobiya waa Sadex Qodob oo hiil u ah SL,kuwaasoo kala ah…

    1.In Xabadu istaagto si aan jab xoogan ugaarin Ciidanka SL.

    2.In wada hadal loo furo Labada dhinac.

    3.In ugu danbayn Garaadada lagu qanciyo la midowga Hargaysa.

    Si loo gaaro qorshahaas Itoobiya waxay isku muujinaysaa dhex-dhexaad,waxayna fulin doontaa shuruudaha Garaadada ee ay ka mid yihiin…

    B.In Ciidamada SL la geeyo xuduuda Qabiil ee Beesha Isaaq ay lala leedahay Beesha Dhulbahante.

    T.In Ciidamo Itoobiyaan ah lakala dhex dhigo Labada dhinac.

    Intaas kadib Garaadada,waxaa lagu casumi doonaa Adis-ababa,waxayna kasoo laaban doonaan,iyagoo Somalilander ah,taasoo ku imaan doonta cadaadis noocyo badan leh oo ay qayb ka yihiin reer Galbeedku.

    Xalku muxuu yahay?

    B.LC waa in difaaceeda la adkeeyaa oo gurmadka Beelaha Harti uusan istaagin gudo iyo dibad.

    T.Garaadadu waa in ay Xamar ku hor maraan ka hor tagidooda Adis-ababa.

    J.Waa in haldoorka Siyaasiga Daarood ku cadaadiyaa in SSC Dowlada Fadaraalku u aqoonsato Maamul.

    X.Waa in Siyaasiyiinta Mudulood la isticmaalaa oo looga badashaa aqoonsiga SSC aqbalka Daarood ee Banaadir State.

    Kh.Garaadadu waa in ay tagaan Adis,iyagoo dhisay Maamul oo SL hor fariisiyaan Maamulka SSC.

    Dagaalka LC waa ka gudbay xuduudaha iyo inta la malayn karo,waxayna rabtaa Itoobiya in ay xaalka kusoo celiso LC oo SL xukunto markale.

    Reer Galbeedku Somalida waxba uma yaqaanaan,waxayna ilaalsadaan Itoobiya oo ay udirsadaan danaha ay leeyihiin kana dhagaystaan waaqiciga siyaasi ee gadmaya markaas.

    Fursada la haysto waa in Itoobiyada Maanta jirta aysan ahayn tii awooda badnayd ee Tigreegu hogaaminayay.

    LC markay timaado dhanka Itoobiya,waxaa doorkiisii aan buuxinayn sida Wiilasha isku bahaystay Dirta Itoobiya Ina Cagjar oo qorshahan daawade asal madoorshe ka ah.

    Siyaasiyiinta Beesha OG ee Geeska haday leeyihiin fahan Siyaasadeedka ka socda Geeska,waxuun qiyam ahna ay ku diriri karaan saakay waa umuhiim hiilkoodu badbaadinta Dhulbahante.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    September 27, 2025

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    September 27, 2025

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    September 27, 2025
    Latest Posts

    Puntland Army killed more than 15 Terrorists Militant last two days

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.