Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»FAO oo baahisay in la baajiyey macluushii laga cabsi qabay Ee Somaliya
    Somalia

    FAO oo baahisay in la baajiyey macluushii laga cabsi qabay Ee Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 7, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa sheegtay in la baajiyey macluushii laga cabsi qabay inay ka dhacdo Soomaaliya balse weli malaayiin qof ku sugan yihiin cunno yari.

    FAO ayaa sheegtay in maalgashi istiraatijiyad ku salaysan loo baahan yahay si loo wanaajiyo cuntada iyo biyaha ay helayaan malaayiin qof oo Soomaali ah.

    War-saxaafadeed shalay kasoo baxay magaalada Rome ayey hay’addu sheegtay in nolosha iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha ee malaayiin qof oo Soomaali ah ay halis ku sugan yihiin.

    Hay’adda FAO waxay ku baaqday in si degdeg ah loo kordhiyo gargaarka degdegga ah ee bani’aadaminnimo iyadoo dhinaca kalena la xoojinayo soo kabashada dadka.

    FAO waxay sheegtay in gargaarka bani’aadaminnimo uu ka hortagay macluul ka dhacda qaybo ka mid ah Soomaaliya ilaa haatan, balse malaayiin qof oo Soomaali ah ay weli haystaan dhibaatooyin ka imanaya cunno yari.

    Waxay sheegtay in ka hortagga xaaladda laga welwelo ee isa soo taraysa aysan u baahnayn oo keliya kordhinta gargaarka bani’aadaminnimo balse sidoo kale loo baahan yahay tallaabooyin isbeddel keena oo lagu sugayo helitaanka cuntada iyio biyaha, laguna yareeyo u nuglaanshaha dadka ee isbeddellada iyo cadaadiska, iyo hagaajinta la qabsigooda cimillada is gedgeddinaysa.

    FAO oo soo xiganaysa warbixinta xaaladda nafaqadaradda Soomaaliya oo la daabacay ayaa sheegtay in Soomaaliya ay bilihii dhowaa qarka u saarnayd macluul, abaaraha ka dhashay shanta xilli roobaad ee baaqday awgeed, iyo iyadoo la filayo in xilli-roobaad lixaad ay roobabku yaraadaan, taasi oo ay uga sii darstay qiimaha sarreeya ee cuntada, colaaddda iyo helitaanka liita ee biyaha, adeegyada nadaafadda iyo caafimaadka.

    Waxay sheegtay inaan haatan la filayn in macluuli ka dhacdo qaybo ka mid ah Soomaaliya, hase yeeshee xaaladdu ay weli adagtahay, halista inay macluul dhacadadana ay taagan tahay.

    Waxay sheegtay FAO in warbixinta nafaqadarrada ay muujinayso in intii u dhaxaysay Jannaayo iyo Maarso 2023 ku dhowaad 5 milyan oo qof guud ahaan Soomaaliya ay ku jiraan heerka saddexaad ee xaaladda cunto yaraanta ama IPC Phase 3 oo ah xaalad qalalaase, kuwaasi oo 96000 kun oo qof oo ka mid ah ay waajahayaan heerka aad u daran ee masiibada ah ama IPC Phase 5.

    FAO ayaa xustay in heerka baahida ee ugu daran ay waajahaan ilaa 6.5 milyan oo qof oo u dhiganta in ka badan saddex-meelood meel dadka Soomaalida bilaha Abriil iyo Juun ee sannadkan, kuwaasi oo ay ku jiraan 223 000 qof oo laga yaabo inay lasoo gudboonaato xaalad heerka masiibada ah ama IPC Phase 5.

    Waxaa intaas dheer in dadka beeralayda ah ee ku nool degaannada hoos yimaada degmada Buurhabaka iyo Baydhaba iyo Muqdisho ay halis ugu jiraan macluul inta u dhaxaysa bilaha Abriil iyo Juun haddii roobabka Gu’ga ay baaqdaan, kaalmana aan lala soo gaarin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    September 27, 2025

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    September 27, 2025

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    September 27, 2025
    Latest Posts

    Puntland Army killed more than 15 Terrorists Militant last two days

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.