Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»XOG: Siciid Den iyo Cirro oo ku kulmaya Nairobi
    Puntland

    XOG: Siciid Den iyo Cirro oo ku kulmaya Nairobi

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 29, 2025Updated:May 29, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa soo gaaray caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, kaddib maalmo uu ku sugnaa magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta.

    Siciid Deni ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona Nairobi, waxaana uu kulamo siyaasadeed la yeelan doonaa xubno muhiim ah oo kamid ah hoggaanka siyaasadda Soomaalida, dublamaasiyiin sare oo ka socda dalal kala duwan iyo Hay’addo caalami ah.

    Idilnews, ayaa xaqiijisay in xubnaha uu la kulmi doono Siciid Deni uu kamid yahay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro oo maalmahan ku sugnaa Nairobi, iyagoo ka wadahadli doona marxalada siyaasadda Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka Somaliland iyo Puntland.

    Garoowe iyo Hargeysa ayaa dhowaan is dhaafsaday maxaabiis dagaal oo ay ku kala qabsadeen dagaalkii Laascaanood, kaddib wada-hadalo khadka Telefoonka ah oo dhexmaray Deni iyo Cirro.

    Kulanka Nairobi ayaa la filayaa in uu xoojiyo ilaalinta danaha siyaasadeed iyo kan amni ee ka dhexeeya labada Dowladood.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Ma loo baahnaa soo noqoshada Siyaasadii Laba Wajiilaynta Maraykanka?

    August 10, 2025

    Cali Xoosh oo si dhuumasha ah uga baxay Laascaanood

    August 10, 2025

    Muhiimada dhismaha Wadada Bosaso- Dhadaar

    August 10, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Ma loo baahnaa soo noqoshada Siyaasadii Laba Wajiilaynta Maraykanka?

    Cali Xoosh oo si dhuumasha ah uga baxay Laascaanood

    Muhiimada dhismaha Wadada Bosaso- Dhadaar

    Mw Deni oo Dhagaxdhigay Wadada Bosaso-Dhaadaar

    Faahfaahinta Deegaamada ay Ciidamada PL Gacanmarinayaan

    Ciidamada PL oo ku dhaqaaqay Gacan marinta Godadka argagixisadu ku gubato

    Waa kuma Sarkaalka noqday Talyaha Africom?

    Madaxweynaha Maraykanka oo si cad usheegay in aqoonsiga SL lagu guda jiro

    Faallo:-Maxaa sababay in Maraykanku soo celiyo Siyaasadii Laba Wajiilaynta?

    Faallo:-Maxay PL uga dhigan tahay booqashada Talyayaasha Bariga Afrika Ee Maraykanka?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.