Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo laga xusay xarigjarka Biyo- xireenka Abay
    Puntland

    Puntland oo laga xusay xarigjarka Biyo- xireenka Abay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 7, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Puntland Mudane Abdi Farah Juxa oo ka qaybgalay xafladda hordhaca munaasabadda xarig-jarka iyo maalgashiga Biyo-xireenka Abay ee dalka Itoobiya.

    Wasiirka Arrimaha gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland, Mudane, ayaa galabta ka qayb galay xafladda hordhaca munaasabadda dabaal-degga xarig-jarka iyo maalgashiga Biyo-xireenka Abay ee dalka Itoobiya.

    Munaasabaddan waxaa soo qaban-qaabisay Safaaradda Itoobiya ee ku taalla caasimadda Puntland, waxaana hoggaaminayey kusimaha Qunsulka Safaaradda, Mudane Yidnekachew Tekle .

    Intii ay socotay munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay hiddo-dhaqameedka dalka dariska aan nahay ee Itoobiya, iyadoo ay goobta kasoo qayb galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Duqa Degmada, shirkado ganacsi iyo marti sharaf kale.

    Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda iskaashiga Puntland iyo Itoobiya ee dhinacyada kala duwan Sida; siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Waxaa si gaar ah loo tilmaamay kaalinta muuqata ee Itoobiya ka geysatay Dagaalka lagula jiro argagixisada Daacish,Gargaarka caafimaad ee lagu Dawaynayay dhaawacyadii Ciidamadeena geesiyaasha ee ka dagaalamayay buuraha Calmiskaat, oo lagu daweynayay magaalada Addis Ababa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    October 22, 2026

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    October 22, 2026

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    October 22, 2026
    Latest Posts

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).

    XOG: Waa kuwee Agaasimayaasha uu xilka ka qaadi doono Deni maalmaha soo socda?

    Ciidanka Laftagareen oo deeq Raashin ah ka qeybiyay Diinsoor

    Duqa Garoowe oo ka qeybgalay Shirka Maayarada Adduunka ee Vienna

    GALGALA: Ciidanka Puntland oo toogtay Rag katirsan Al-Shabaab

    Yemeniyiin kasoo cararay colaada dalkooda oo soo gaaray Dekedda Boosaaso

    CALMADOW: Puntland oo duqeyn ku dishay xubno katirsan Al-Shabaab










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.