Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa udanbeeyay weerarkii Israa’iil la beegsatay Dooxa?
    Somalia

    Maxaa udanbeeyay weerarkii Israa’iil la beegsatay Dooxa?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 9, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Israa’iil,ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar ka fulisay weerar ay ku bartilmaameedsatay hoggaanka sare ee ururka Xamaas.

    Waxaa lagu soo waramayaa in ay lahaayeen shir ay uga hadlayeen hindisehii ugu danbeeyay ee xabad joojinta Qasa.

    Muqaal la soo galiyay khadka internetka,ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo ka kacaya aaggaas.

    Dhowrkii daqiiqo ee u dambeeyay,wasaaradda arrimaha gudaha Qatar,ayaa xaqiijisay in qaraxyada laga maqlay magaalada Dooxa lala beegsaday mid ka mid ah xarumaha ay degan yihiin Xamaas.

    Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay….

    “Tallaabadii maanta ee ka dhanka ah madaxda ugu sarraysa Xamaas uu ahaa hawlgal Israa’iil oo madax bannaan.”

    “Israa’iil ayaa billowday, Israa’iil ayaa fulisay, Israa’iilna si buuxda ayay mas’uuliyadda u qaaday,”Ayaa lagu yiri bayaan.

    Mw Trump,ayaa isla markiiba la hadlay Amiirka Qatar,isagoo ka Tacsiyeeyay weerarka una balan qaaday in aan mar danbe weerar lagu doo qaadayn.

    Sidoo kale,wuxuu Trump la hadlay Rw Israa’iil Netanyuhu sida ay sheegtay Afhayernka Aqalka- cad.

    Weerarkan way ka badbaadeen Madaxdii Xamaas ee bartilmaameedku ahaa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.