Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Aanada Qabiilka iyo Gobolka Mudug?
    Puntland

    Faallo:-Aanada Qabiilka iyo Gobolka Mudug?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 16, 2025Updated:September 19, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo Ninkan Ganacsadaha ahaa ee lagu dilay Galkacyo goordhawayd.

    Aanada Qabiilka ee ku xoogan Mudug marka la barbardhigo Gobollada kale,waa dhaqan soo jireen ah oo ay caan ku ahayd abid.

    Saakay hadii xataa laga ururiyo Hubka,waxay isku dilayaan Toorey iyo Bur.

    Todobaadtameeyadii,waxaa yimid Galkacyo Siyaad Barre oo markaas hogaaminaya Taliskii Askarta oo carcartooda qaba,wuxuu ku yiri…….

    “Gobollada kale Gudoomiyayaashii Kacaanku ugu yimid,ayaa weli jooga idinkana kii Afraad,ayaan hada idin wadaa reer Mudugoow”.

    Si la mid ah Dowladii rayidka,ayaa dhibkaas ku qabtay iyo Gumaystihii.

    1.Mudug caadifada Qabiilkaa ku badan.
    2.Xisaabtan iyo loolankaa wax weyn ka ah.
    3.Waa ka dhiig kulul yihiin Gobolada kale.
    4.Waxaa isku furan si ka balaaran Gobolada kale Miyiga iyo Magaalada.

    In aysan ahayn dhaqan Beelo gaar ah leeyihiin,waxaa tusaale kaaga filan,waxa saakay Aanada isku dilay,waa Dir iyo Shiikhaal oo mahan Daaroodka dhexdiis ama Hawiye iyo Daarood.

    Waxa kaliya ee la samayn karo,waa dadaal lagu xakamaynayo dhacdada markaa dhacda iyo ka hor tag kooban.

    Sida Marayanka uu dhib ugu hayo Hubka Shacabka Gacantiisa ku jira,isagoo Quwadii aduunka ah,ayaa Mudugna dhib ugu qabtaa Aanada.

    Waxaase guul ah,waxa laga cabanayo Maanta in aysan ahayn dil Siyaasadeed iyo mid argagixiso ee uu yahay danbiyo Bulsho oo soo jireen ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.