Boosaaso : 19 October 2025 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa maanta kormeeray dhismaha cusub ee xarunta Taliska qeybta Booliiska ee Gobolka Bari, halkaasi oo uu kusoo dhoweeyay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliiska Gen. Muumin Cabdi Shire.
Madaxweynaha,ayaa dhegaystay warbixinta dhismaha xaruntan oo hadda la dhameystiray, wuxuuna booqday qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay, Kormeerka waxaa kala qeybgalay Madaxweynaha Maamulka Gobolka Bari, Kan degmada Boosaaso , Taliska qeybta Booliska ee Gobolka Bari iyo masuuliyiin kale .