Beesha Caalamka,ayaa wada dadaal ah in uusan Shirku burburin,waxay la hadleen PL & JL,waxay kaloo kulan la leeyihiin Xasan Shiikh.
Sidaan xogta ku helay,wuxuu Xasan ku andacooday in Hub fara badan oo ay uwadaan Mucaaradka Muqdisho ku sugan ay soo qaadeen ilaalada Deni iyo Axmed.
Halka PL iyo JL ay BC uxaqiijiyeen in uusan warkaas waxba ka jirin oo kaliya ay soo dirsadeen ilaalo amnigooda sugta.
BC,waxay Xasan hordhigtay Laba qodob oo kala ah….
- In uu raaligelin buuxda ka bixiyo celintii ilaalada Labada Madaxweyne ee JL& PL.
- In uu bixiyo amar fasax ah.
Hadii ay guulaysan waayaan dadaalada BC,waxay ubadan tahay in Shirka baaqdo Berri oo loo wareejiyo meel kale,lana cayimo wakhti kale.
