Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xog:-Shirkada haysata maamulka Garoonka diyaaradaha Garowe oo…
    Puntland

    Xog:-Shirkada haysata maamulka Garoonka diyaaradaha Garowe oo…

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 27, 2026No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoonka diyaaradaha Jen.Maxamed Abshir ee caasimada Garowe ma noqon karo Deked qalalan oo reer Faroole uxiran.

    Xilligii Mw Gaas,ayuu Khadar Faroole keenay Shirkad ka diiwaangashan Hong Kong oo ka dhaxaysa Erik iyo Nin Shiinays ah.

    Shirkadaas,waxaa lagu wareejiyay Maamulka garoonka,waxaana heshiiska qayb ka ahaa in ay dhaqaale geliso oo casriyayso….

    1.In ay dhisto Terminal cusub.
    2.In ay Runwayga balaariso.

    1. in ay qalab casriya keento.
    2. In ay Basas cusub keento.

    Dhamaan qodobadaas mid kama fulin oo kaliya,waxay noqotay Shirkad Lacag khidmadaha saarata Shaqada garoonka ka socota oo Bishii iska hesha Lacag aysan meelna usoo marin.

    Ku dhawaad 10-Sano oo ay garoonka maamulkiisa haysatay kuma soo kordhina Hal shay.

    Garoonka?

    1.Qaybta adeega alaab soo dajinta iyo rarida,waxaa haysta Nin ganacsada ah oo la yiraahdo Jaamac Dhagadheere,kaasoo khidmad ahaan uhela Bishii Lacag gaaraysa $14-20-kun marka kharashaadka shaqaalihiisa uu iska jaro.

    2.Qaybta Parking-ka,waxaa haysta Niman isku tagay oo iyaguna khidmad ahaan uhela Bishii $6000-kun kharashka kadib.

    3.Qaybta Maqaaxiyaha,waxaa haysta Laba Qolo oo Sadex Restaurant uga furan yihiin gudaha,waxayna ka helaan Bishii kharashaadka kadib $10-kun.

    Dowlada maxay qaadataa?

    1.Canshuurta diyaaradaha oo ay ka hesho Bishii $60-kun.

    2.Canshuurta Dadka oo ay ka hesho Bishii $120-kun.

    Shitkada Reer Faroole,waxay maamuushaa shaqooyinkaas socda,waana shaqadii Maareeyaha Dowlada uu qaban lahaa.

    Shirkada R.Faroole maxay bixisaa?

    B. Mushahaarka Ciidanka Booliska garoonka oo ay siiso calaa Askari $200.

    T. Maareeyaha Dowlada oo ay siiso $2000.

    J. Dhirta iyo Bilicda oo ay wax ku bixiso.

    Garoonka iyo baahidiisa Maanta?.

    B.In Shirkadan aan loo cusboonaysiin Qandaraaska.

    T.In Dowladu toos umaamusho Garoonka oo ay Maareeyaheeda hawlgeliso.

    J.In Jaamac Dhagadheere aan loo cusboonaysiin Qandaraaska ilaa uu keeno Qalab cusub iyo Basas.

    Dowladu haday toos umaamusho garoonka,waxaa laga faa’idayaa Laba Qodob….

    B. Dhaqaalihii Shirkadan qaadanaysay oo khasnada Dowlada ku xaroonaya.

    T. Bilicda iyo adeega garoonka oo kor ukacaya oo waxaa imaanaya isla xisaabtab Dowladeed..

    Reer Faroole?

    Shirkada reer Faroole maamulida garoonka uma ahan muhiim oo waa waxay isku qariso,waxayse Dalka utimid Macdan iyo Kalluun baarasho.

    Qandaraaska garoonka lagu siiyay,waa Sanadle cusboonaysiintiisu,waxayse ku doodayaan hada Lacag,ayaa naga gashay garoonka,waase,waxaan waxba ka jirin ee Il Dhaqaale uga soo burqado,ayuu ahaa.

    Reer Faroole PL,waxay Magaceeda ku helaan ugu yaraan $40-kun,sidaa daaraadeed xaq uma leh in garoonka caasimada daraadood loo dayaco…..

    B. Waxay haystaan Wasiirkii Muuse Ciise oo ah W.Deegaanka oo hada heshay mashaariic Malaayiin dolar ah.

    T. Waxay haystaan Seneterkii Nugaal.

    J. Waxay haystaan Lacagta la siiyo Madaxweynayaasha PL soo qabta oo dhan Sanadkii $ 120-kun.

    X.Waxay haystaan Lataliye heer Fadaraal ah.

    Reer Faroole,waxay utageen Islaan Ciise,iyagoo cabasha ah,wuxuuna ugu jawaabay arimaha dhaqanka,ayaan galaa ee arinkan,waa mid Dowladeed.

    Waxay utageen Maleeshiyo hogaamiyeedka loo yaqaan Jimcaale oo ay damceen in ay soo abaabulan,waase ku gacansayray.

    Waxay soo kiciyeen Odaygii Aabahood Faroole,markuu Telka ka qaban waayay Mw Deni,waxaa ku hanjabay in uu iscasilayo Maxamed Faroole ,waase ku qoslay Mw Deni oo wuxuu ugu jawaabay hala soo daahin Warqada soo dadaji.

    Madaxweyne talaabo dadka reer Nugaaleed iyo guud ahaan reer PL uriyaaqeen,ayaad qaaday markii aad hakisay dib ucusboonaysiinta qandaraaska Shirkada reer Faroole ee faashilka ah ee ku adkaysi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muhiimada dhismaha Gudiga Tacliinta Sare Puntland

    April 19, 2026

    Gudiga Tacliinta Sare Ee Puntland oo la dhisay

    April 19, 2026

    Madaxweyne Deni oo isbadal ku sameeyay hogaanka Ciidanka Madaxtooyada

    April 19, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Muhiimada dhismaha Gudiga Tacliinta Sare Puntland

    Gudiga Tacliinta Sare Ee Puntland oo la dhisay

    Madaxweyne Deni oo isbadal ku sameeyay hogaanka Ciidanka Madaxtooyada

    Madaxweyne Deni oo isku shaandhayn balaaran ku sameeyay hogaaminta Booliska PL

    Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo magacaabay Maxkamada Sare iyo Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus.

    Maraykanka iyo Iran oo ay ubadan tahay in heshiiyaan

    Maraykanka oo xayiray Saliidii Iran Ee Shiinaha aadaysay

    Faallo:-Saamaynta Shiinaha Ee Soomaaliya

    In ka badan Boqol Xildhibaan iyo Seneter Oo soo saaray Baaq

    Puntland oo Xasan Shiikh ugu baaqday in uu qabto Shir Deg-deg ah

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.