Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Muhiimada dhismaha Gudiga Tacliinta Sare Puntland
    Puntland

    Faallo:-Muhiimada dhismaha Gudiga Tacliinta Sare Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 19, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xaqiiiqdii,waa guul weyn oo laga gaaray horumarinta Waxbarashada PL dhismaha Gudiga Tacliinta Sare.

    Sadex arimood,ayaa mudnaan leh…..

    1. In Gudi gaar u ah Tacliinta sare la yagleelay oo laga hoos saaro Waaxdii Wasaarada ee ay qaybta ka ahayd.
    2. In Gudiga Sare ay xubno ka noqdeen dad uqalma oo sumcad ku dhex leh bahda aqoonta.
    3. In laga adkaaday ganacsatadii Waxbarashada ee caqabada ku ahayd tayaynta Waxbarashada.

    Wasaaradu,waxay wadaa qorshe gabagabo ku dhow oo macno leh,kaasoo ay kula wareegayso Iskoolada iyo Jaamacadaha qaarkood ,kuwaasoo kala ah…

    B. Jaamacada PSU.
    T. PUST.
    J. Kulliyada Macalimiinta.
    X. Dugsiga Cumar Samatar.
    Kh.Dugsiga Ganbool.
    D. Bosaso Puplic School.

    Iskuulladan iyo Jaamacadahan sababta Dowladu ula wareegayso,waa Sadex ujeedo oo kala ah……

    B. In ay bixiso dhaqaalaha ku baxa.

    T. In Kulliyadaha aqoontoodu dalka ay muhiimad uleedahay lagu soo kordhiyo.

    J. In Kulliyadaha Gobollada loo qaybiyo oo Deegaan walba Kulliyada ku haboon la geeyo.

    Hadafka guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland ay ka leedahay qorshahan,waa Sadex…

    B. In qiimaha Waxbarsahada Sare kor loo qaado oo Macallimiin tayo leh la keeno Jaamacadaha.

    T. In ugu yaraan culayska dhaqaale ee dadka saaran lala qaybsado oo ay jiraan Iskuulo iyo Jaamacado Dowliya oo Lacag la’aan ah,hadana tayo leh.

    J. In Kulliyadaha baahida loo qabo lasoo kordhiyo.

    Mahadcelin?

    Wasiirka Waxbarashada,waa bogaadinayaa dadaalka uu muujiyay.

    Mw Deni,waa umahadcelinayaa,waxaana ku boorinayaa in uu qorshahan dhamaystiro oo inta uu talada hayo hirgeliyo si ay taariikhda ugu gasho.

    Tayada Waxbarashada PL hadii la xoojiyo,waxay qayb ka qaadanaysaa xasiloonida,kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    September 2, 2026

    Wada shaqaynta Booliska iyo hay’adaha kale Ee Dowlada oo laga Shiray

    September 2, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh oo Somaliya usoo raray loolanka Quwadaha

    September 2, 2026
    Latest Posts

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Wada shaqaynta Booliska iyo hay’adaha kale Ee Dowlada oo laga Shiray

    Faallo:-Xasan Shiikh oo Somaliya usoo raray loolanka Quwadaha

    Putin oo ku dhawaaqay in uu dagaalka Ukrain jpojiyo

    Maraykanka oo weeraro ku ekeeyay Ilaalada Kacaanka Iran

    Puntland:- Go’aano kasoo baxay Shirka Amniga Gobola Bari.

    MUDUG: Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee ka dhacay Gaalkacyo?

    Madaxweyne Deni oo magacaabaya Agaasimayaal Guud

    Madaxweyne Cirro oo booqanaya Mareykanka & dadaalka uu wado Xassan Shiikh

    Puntland is a territory the U.S. has specifically earmarked with in Somalia.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.