Garowe : 19 April 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 16 oo Ku saabsan magacaabida Taliyaha iyo Taliye – Ku- xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Baahida loo qabo magacaabidda Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyadda Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda ciidanimo.
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:-
- Waxaa G/Sare Siciid Nuur Shire loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyadda Dowladda Puntland.
- Waxaa G/Sare Maxamed Cali Axmed (Marduuf) loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyadda Dowladda Puntland.
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
-DHAMMAAD –
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND –
