Dastuurka Soomaaliya ku meel gaarka ah isla mabda’aas wada-oggolka ah ayuu ku dhisan yahay.
Cutubka 15aad (Qodobbada 132–137) waxaa ku cad habka keliya ee sharci ah ee lagu samayn karo wax-ka-beddel iyo dhammaystirka dastuurka. Ma oggola dastuurku in hal koox siyaasadeed oo baarlamaanka ku badan ay siday doonto ka yeesho.
Qodobka 132(6)(f) wuxuu farayaa guddiga dib-u-eegista in ay “la shaqeeyaan baarlamaannada Dowlad-goboleedyada oo ay ku daraan talooyinka ay si wadajir ah u soo gudbiyeen Dowlad-goboleedyadu marka arrintu khusayso danahooda.”
Qodobka 134 wuxuu kaloo farayaa ka-qaybgalka dowlad-goboleedyada, isagoo dhigaya in “Dowlad-goboleedyada jira ay midkiiba magacaabaan hal wakiil oo ka mid noqda Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgelinta.”
Qodobka 137 isaguna wuxuu waajibinayaa wadatashi ballaaran: “Guddigu waa inuu la tashadaa Dowlad-goboleedyada iyo dadweynaha guud ee ku saabsan wax-ka-beddel kasta oo lagu samaynayo dastuurka.”
Dastuurku mabda’aas meelo kale ayuu sidoo kale ku adkeynayaa. Qodobka 142 wuxuu si cad u sheegayaa in “Dowlad-goboleedyada jira lala tashado marka go’aan laga gaarayo nidaamka federaalka.”
Dhammaan arrimahaasi waa saldhigga heshiiska federaalka ee Soomaaliya, oo ku yimid wadahadallo qaran oo dhacay samadhi 2000, 2004, iyo 2012, ka dib burburkii dowladdii dhexe iyo toban sano oo tiih iyo walaahoow ah.
Maanta, laba ka mid ah dowlad-goboleedyada gar ahaan Puntland iyo Jubaland — iyo xubno badan oo iyaga golayaasha baarlamaanka ku matala si cad ayay u diideen dastuur qorista iyo baddelka hadda socda. Taasi keliya waxay muujinaysaa in shuruudda dastuuriga ah ee dastuur wax-ka-baddelka ee ku suntan ‘wadatashi federaal oo ballaaran iyo heshiis guud’ aan la buuxin.
In arrintaas la iska indho-tiro waxay jebinaysaa Dastuurka ku-meel-gaarka ah iyo ruuxdiisa ama danta laga lahaa oo ahayd wada-oggol.
Dad ayay la tahay in Puntland iyo Jubaland laga socon karo oo aan loo joojineyn waase dad aan fahamsaneyn sida dal federaal ah uu u shaqeeyo.
Tusaale ahaan dalalka federaalka ah, wax-ka-beddelka dastuurku wuxuu u baahan yahay oggolaansho dowlad-goboleediisa: Tusaale ahaan si wax looga badelo dastuurka Maraykanka waxaa shardi ah oo ku xiran in ay oggolaadaan saddex meelood–laba gobollada maraykanka
WQ:-Abdirashid Khalif.
