Mid ka mid ah ujeedooyinka loo badalayay Dastuurka,waa midan oo ah mudo kororsi.
Caawa,waxaa si cad ugu dhawaaqay Aadan Madoobe oo sheegay…..
*In Baarlamaanka hada jira uu joogi doono mudo xileedka uu qorayo Dastuurka la xaday”,taasoo ka dhigan in Sanad dheeriya ay sii joogayaan.
Wuxuu ku daray hadalkiisa in si la mid ah Baarlamaanka ay hay’adaha fadaraaliga ah oo dhan ay sii joogi doonaan.
Hay’adaha sii joogi doona oo Aadan sheegayo,waa..
1.Golaha sharci dajinta.
2.Golaha Garsoorka.
3.Golaha Wasiirada.
4.Madaxtooyada oo Oday u ah.
Waxaa lagu tilmaami karaa ku tumasho Dastuur iyo sharcidaro aan gabasho lahayn.
