Itixaadka ama ictisaamka shalay ka qaylinayey masaajidada Garowe iyo Nayrobi ee ku doodayey Qudus,ayaa SL safaarad ka furatay oo Wadamada iyo Ururada caalamka sida UN iyo UNSC u aqoonsan uhiin in ay tahay dhul falastiin oo la xoogay,waa marin habaanin ay dadka marin habaaninayaan.
Ururka Itixaad,waxaa abuuridiisii iska lahaa Wadaado Diimeed oo Beesha Daarood ah,waxaase talada iyo hogaaminta qaatay Wadaado Beesha Hawiye ah,waxaana tusaale loosoo qaadan karaa dagaalkii 1993-dii ay ku qaadeen SSDF.
Haatan Itixaadka umagac badashay Ictisaamka Daarood ee Garowe iyo Kenya joogaa,waxaa ku shaqaysta XSM,Cali Wajiis iyo Bashiir Salaad.
Ictisaamka Daarood,waaa lagu shaqaysanayaa,waxayna rabaan in ay shacabka ka hor keenaan Xukuumada PL, iyadoo la leeyahay dad dhulka Falistiin u aqoonsan Israa’iil,ayaa Garowe loo ogolaaday in ay ku dabaaldegaan.
Qudus?.
Falastiin,waxay sheegataa Bariga Qudus in ay caasimad u tahay,sidoo kale caalamkuna,waa u aqoonsan yahay Bariga Qudus in ay Falastiin leedahay.
Safaaradaha degan Qudus,waxay kuwada yaalaan Galbeedka Qudus oo Falastiin aysan sheegan.
Haddii safaarad ay ka furato SL galbeedka Qudus taasi kama dhigna in ay dhulka Falastiin sheegato oo caalamkuna uqirsan yahay ay xaqirtay.
Bariga Qudus?
Bariga Qudus iyo Daanta galbeed waxaa laga qabsaday Jordan oo ay qayb ka ahaayeen oo dadkii reer Falastiin ee deganaa ay haysteen dhalashadeeda iyo Baasabooradeeda.
Bariga Qudus iyo Daanta Galbeed dadkii deganaa oo haystay dhalashada iyo Baasaboorada Jordan,waxaa lagala noqday 1988-dii, markii Dalalka Carabta ay isla garteen in loo daayo PLO in ay metasho oo noqoto codka rasmiga ah ee u hadla Falastiinta,waxaana sidaa aqbalay Boqor Xuseynkii Jordan oo isla maalintiiba,waxaa lagala laabtay dhalashadii Jordan 1.5 Milyan Falastiiniyiin ah.
Sidaas ayay ku noqdeen shacab aan lahayn dhalasho iyo Baasaboor ( stateless) reer Falastiin.
Jordan markaas kadib waxay kusoo rogtay Faladtiniyoonta Kaar Cagaaran in ay qaataan,kaasoo shuruudo adag ku xiran yihiin,sida…
- In Qudus ID ama Israa’iil ID iyo cadayn Waalidka dhalashadiisa iyo reerka uu ka dhashay.
- Dhanka amnigana Raga,waa in ay ka haystaan warqad sirdoonka Jordan,halka dumarkana laga rabo in ay keenaan warqada guurka iyo dhalashada Ninkeeda.
Shuruudahaas Qofka buuxiya,waxaa la siiyaa Baasaboor aan xuquuq lahayn oo kmg ah oo kala ah, 5-Sano dadka degan Qudus iyo Daanta iyo 2-Sano dadka degan Qasa.
Falastiiniyiibta deganayd gudaha Jordan,iyaga waxay qaateen Kaar Jaalle ah oo waxay la mid noqdeen muwaaduniinta Jordan oo ay kala siman yihiin wax kasta oo xuquuq ah.
Qasa?
Qasa,waxaa laga qabsaday Masaarida,waxaana dhulka degaanaa dad la iran jiray Ansaar oo Falastiiniyiintu,waa u qaxeen Qasa.
Isku mar,ayaa lawada qabsaday…
- Qasa oo Masar laga qabsaday.
- Golan heights oo laga qabsaday Suuriya.
3.Daanta galbeed iyo Bariga Qudus oo laga qabsaday Jordan.
