“Waan ku faraxsanahay in Mareykanku si toos ah ula macaamilayo dowladaha xubinta ka ah Federaalka Somaliya sida Puntland halkii uu ka mari lahaa Muqdisho. Isku dayga ah in la dhiso dowlad dhexe oo xooggan Somaliya waa hawl aan guulaysan. Habka ugu macquulsan ee Mareykanku ku ilaalin karo danihiisa halkaas waa in uu la shaqeeyo la-hawlgalayaasha Gobolka iyo dowladaha xubin ka ah federaalka kuwaas oo leh aasaas aqoon iyo sharciyad.”

Dooda ah in ay fashilantay oo lagu hungoobay dhismihii Dowladnimada Somaliya,waa mid taala Miisaska siyaasadaha caalamka lagu jaangooyo.
PL kaliya ma’ahan cida ku hungowday dhismaha qaran Somaliyed.
R.Galbeedku,waxay haatan wadaan soo celinta siyaasadoodii Labada dhinac ama qayb walba oo Somaliya ah in ay gaar ula macaamiilaan.
PL,waxay si gaar ah muhiimad weyn ugu tahay Maraykanka iyo R.Yurub.
Joshua Meservey,waa khabiir Mareykan ah oo darsa Arrimaha Mareykanka ee Africa.
