Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»DHISMAHII PUNTLAND IYO HIMILADII SIYAASADEED EE KA DANBEEYSAY
    Puntland

    DHISMAHII PUNTLAND IYO HIMILADII SIYAASADEED EE KA DANBEEYSAY

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 23, 2026No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowlad goboleed Puntland wuxuu ka dhashay rabitaanka shacabka iyo dadaalka isimada, waxgaradka, siyaasiyiinta, iyo bulshada deegaannada Puntland. Kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dadku waxay u baahdeen maamul suga amniga, xasilloonida, iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

    Si arrintaas loo xaqiijiyo, magaalada Garoowe waxaa ka dhacay shirar wada-tashi iyo dib-u-heshiisiin ah oo wakiillo ka kala socday gobollada Bari, Mudug, Nugaal, Sool, iyo Sanaag ay ka soo qayb galeen. Shirweynihii dastuuriga ahaa wuxuu si rasmi ah uga furmay duleedka Garoowe 15-kii Maarso 1998. Islaan Maxamed Islaan Muuse (AHN) ayaa furay, isagoo ku duceeyay in shirkaasi noqdo mid horseeda dowladnimo, nabad, iyo mustaqbal wanaagsan.

    Doodihii iyo wada-tashiyadii shirka waxay ahaayeen kuwo qoto dheer oo waqti badan qaatay. Qodob kasta iyo go’aan kasta waxaa dib loogu eegay si loo helo hannaan siyaasadeed oo u adeega shacabka Puntland iyo Soomaaliya. Ugu dambeyntii, waxaa la isku raacay in Garoowe noqoto caasimadda Puntland, lana dhiso hay’adihii dowladnimada ee maamulka, garsoorka, iyo amniga.

    Markii la soo gabagabeeyay shirka, isimadii iyo waxgaradkii dhisay Puntland waxay maamulka ku wareejiyeen hoggaankii cusub. Waxay kula dardaarmeen ilaalinta nabadda, xoojinta midnimada bulshada, baahinta adeegyada dowladda, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka, iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta.

    Intii aan la kulmay qaar ka mid ah odayaashii, waxgaradkii, iyo siyaasiyiintii dhidibada u taagay Puntland, waxaan ka fahmay in maamulkaas loo aas-aasay saddex himilo oo waaweyn:

    Tan koowaad, Puntland in ay noqoto maamul u horseeda nabad, amni, iyo horumar.

    Tan labaad, Puntland in ay noqoto saldhig laga bilaabo dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliyeed iyo soo celinta wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

    Tan saddexaad, Soomaaliya in lagu dhiso nidaam ku saleysan awood-qaybsi, wadaag siyaasadeed, iyo federaalnimo, si dhammaan qaybaha bulshada ay u helaan matalaad iyo ka-qaybgal siman.

    Aasaasayaashii Puntland marnaba ma aysan lahayn ujeeddo kala qaybin ama gooni isu taag. Aragtidoodu waxay ahayd in Soomaaliya lagu badbaadin karo nidaam ku dhisan wada-tashi, is-afgarad, iyo awood-qaybsi xaq ah. Waxay aaminsanaayeen in federaalnimadu tahay habka ugu haboon ee lagu ilaalin karo midnimada dalka, laguna xaqiijin karo in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay ka qayb qaataan maamulka iyo go’aan gaarista.

    Maanta, iyadoo Soomaaliya ay wajahayo caqabado siyaasadeed oo waaweyn, waxaa muhiim ah in shacabka Puntland ay xasuustaan himiladii iyo dardaarankii ay ka tageen aasaasayaashii maamulkaas. Waa inay fahmaan qiimaha federaalnimada, wada-tashiga, iyo ilaalinta awood-qaybsiga lagu dhisay Puntland.

    Sidoo kale, jiilasha maanta iyo kuwa berri waa inay ilaashadaan nabadda, xasilloonida, iyo horumarka ay ku naaloonayaan. Puntland waxay noqotay tusaale muujinaya in marka bulshada ay tashato, heshiiso, oo ay wada shaqeyso ay gaari karto guulo waaweyn.

    Himiladii ay ka tageen odayaashii iyo halyeeyadii dhisay Puntland weli waa mid qiimo weyn u leh Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

    Ilaalinteeda iyo sii wadisteeduna waa waajib saaran jiil kasta oo Puntland ka tirsan.

    Sheiknor Qassim

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    September 5, 2026

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    September 5, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.