Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Hay’addaha Garsoorka
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Hay’addaha Garsoorka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 30, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kulan la qaatay madaxda hay’adaha Garsoorka Dowladda, kuwaas oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, Garyaqaan Xasan Yuusuf Nuur.

    Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta Cabdirashiid Barkhadle Warsame, Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare, Axmed Shiikh Cumar Xasan, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Axmed Yuusuf Taaraan, Guddiga sare ee Garsoorka, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanka ee gobolada, guddoomiyayaasha Maxkamadaha Darajada Koowaad ee degmooyinka iyo xeer-ilaalayaasha gobolada Puntland.

    Ujeeddada kulanka ayaa ahayd horumarinta hay’adaha Garsoorka iyo dardargelinta howlaha laamaha Caddaaladda, si loo xoojiyo hufnaanta iyo tayada adeegyada garsoorka ee Dowladda Puntland.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    September 7, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.