Booliska Dowladda Puntland ayaa xoojiyay Amniga deegaanada Puntland, gaar ahaan xuduudka gobolka Nugaal uu la wadaaga Sool Bari, oo uu
Boqollaal kamid ah Booliska sida Milateriga u tababaran ayaa la howlgaliyay, kuwaas oo gaaf wareegaya deegaanada iyo waddooyinka ka baxsan laamiga weyn.
Ciidamada ayaa baadi goobaya hub u badan rasaas oo maalmo kahor sia isxig-xigta looga dajiyay magaalada Laascaanood, si loosoo galiyo caasimadda Puntland ee Garoowe, gacantana loogu geliyo maleeshiyaadka uu hoggaamiyahoodu baxsadka yahay ee degan xerada Ligligle.
Maleeshiyaadka Jimcaale ayaa iyaga laga joojiyay in ay gaadiid ciidan kala soo baxaan xerada ay joogaan, waxaana soo food saaray cabsi la xiriirta in ay howlgal ciidan lagu qaado, taas oo keentay in ay xitaa istaaf iyo gaadiid labo ah u geeyaan hoggaamiyahooda oo maalmo kahor ka degay Laascaanood.
Hubka laga dajiyay maalmo kahor Laascaanood ayaa ka kooban sanaadiikh kooban oo rasaasta qoryaha AK-47, PKM, Dhashiikaha iyo qoriga Zuuga oo xoogaa kooban laga soo siiyay. Idilnews ayaa ogaatay in dhowr kamid ah sanaadiikh ay yihiin Rasaasta qoriga hoobiyaha, si loogu adeegsado duminta magaalada Garoowe.
IDILNEWS
