Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni “Dekedda Boosaaso ma xirna, ma jirto canshuur kordhin”
    Somalia

    Madaxweyne Deni “Dekedda Boosaaso ma xirna, ma jirto canshuur kordhin”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 15, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa beeniyay in dowladdiisu ay canshuur kordhin ku sameysay ganacsatada badeecaddaha kala dega dekedda magaalada Boosaaso.

    Shir jaraa’id oo uu qabtay Madaxweyne Deni, ayuu si faahfaansan uga hadlay marxaladaha ay soo martay dekedda Boosaaso iyo ballaarinta lagu sameeyay, isagoo xusay in hadda la gali doono wajiga labaad ee ballaarinta, lana dhisi doono jambiyo cusub oo waa weyn oo ay dekeddu yeelato.

    Siciid Deni ayaa sheegay in aysan jirin canshuur lagu kordhiyay badeecaddaha dekedda ka dega, balse lasoo siyaadiyay oo kaliya khidmad yar oo laga qaadayo maraakiibta Dekedda kusoo xirata, si loo dardargeliyo dadaallada dib u casriyaynta iyo ballaarinta loogu sameyn Dekedda.

    Wuxuu beeniyay in ay xiran tahay Dekedda Boosaaso, Madaxweynaha ayaa sheegay in shaqada dekeddu si wanaagsan u socoto ayna xooluhu ka dhoofayaan, shidaalkuna ka degayo.

    Dowladdiisa ayuu sheegay in ay xiriir wanaagsan la leedahay ganacsatada, ayna meesha ka saartay caqabad kasta oo amni oo taabanayay, sida argagixisada Daacish oo dhib badan ku hayay.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    PUNTLAND: Siciid Deni – ma ka guuleystay maleeshiyaadkii hubeysnaa ?

    July 15, 2026

    5 Kun oo qoys oo kusoo barakacay deegaanada Puntland

    July 14, 2026

    Midowga Yurub oo ‘Sool Bari’ u aqoonsan dhul halis ah

    July 12, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni “Dekedda Boosaaso ma xirna, ma jirto canshuur kordhin”

    PUNTLAND: Siciid Deni – ma ka guuleystay maleeshiyaadkii hubeysnaa ?

    5 Kun oo qoys oo kusoo barakacay deegaanada Puntland

    Midowga Yurub oo ‘Sool Bari’ u aqoonsan dhul halis ah

    WARBIXIN: Copenhagen oo loo aqoonsaday magaalada ugu Nolal wanaagsan Caalamka

    Puntland: Taariikhda Dhismaheeda, Sababihii Keenay iyo Himiladii Soomaaliyeed W/Q: Yaasiin Cabdisamad

    Xildhibaan Xareed “Faroole waa xaajo yaqaan dal iyo dad jecel”

    Deni oo furay Shirweynaha xoojinta wadashaqeynta iyo maamul daadajinta Hay’adaha Puntland

    Go’aano kasoo baxay Guddiga Nabad-galyada gobolka Nugaal

    Puntland iyo Jubbaland oo iska diiday ka qeybgalka kulanka Mucaaradka iyo Turkey

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.