Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa beeniyay in dowladdiisu ay canshuur kordhin ku sameysay ganacsatada badeecaddaha kala dega dekedda magaalada Boosaaso.
Shir jaraa’id oo uu qabtay Madaxweyne Deni, ayuu si faahfaansan uga hadlay marxaladaha ay soo martay dekedda Boosaaso iyo ballaarinta lagu sameeyay, isagoo xusay in hadda la gali doono wajiga labaad ee ballaarinta, lana dhisi doono jambiyo cusub oo waa weyn oo ay dekeddu yeelato.
Siciid Deni ayaa sheegay in aysan jirin canshuur lagu kordhiyay badeecaddaha dekedda ka dega, balse lasoo siyaadiyay oo kaliya khidmad yar oo laga qaadayo maraakiibta Dekedda kusoo xirata, si loo dardargeliyo dadaallada dib u casriyaynta iyo ballaarinta loogu sameyn Dekedda.
Wuxuu beeniyay in ay xiran tahay Dekedda Boosaaso, Madaxweynaha ayaa sheegay in shaqada dekeddu si wanaagsan u socoto ayna xooluhu ka dhoofayaan, shidaalkuna ka degayo.
Dowladdiisa ayuu sheegay in ay xiriir wanaagsan la leedahay ganacsatada, ayna meesha ka saartay caqabad kasta oo amni oo taabanayay, sida argagixisada Daacish oo dhib badan ku hayay.
IDILNEWS
