Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Muxuu dhigayaa heshiiska Puntland iyo Mareykanku gaareen ?
    Puntland

    Muxuu dhigayaa heshiiska Puntland iyo Mareykanku gaareen ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 2, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno Wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo La-taliyaal ah ayaa Magaalada Bosaaso shir kula yeeshay Wefti ka socday Dowladda Mareykanka, gaar ahaan hawlgalka
    AFRICOM oo uu hogaaminayey Taliyaha hawlgalka gaarka ah ee AFRICOM Major Gen Claude Tudor.

    Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Mareykanka, gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada iyo sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

    Dowladda Puntland iyo Mareykanka ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis lagu ballaarinayo iskaashiga labada dhinac. Heshiiska ayaa Dowladda Mareykanka u ogolaanaya in ay ballaariso saldhiggeeda Magaalada Bosaaso si sare loogu qaado hawlgalada ka dhanka ah Argagixisada iyo suggidda amniga Badaha.

    Dowladda Puntland waxaa ka go’an la dagaalanka Argagixisada iyo cadow kasta ee wax u dhimi kara amniga, xasiloonida iyo horumarka Puntland, kan Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Africa.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    GAALKACYO: Ciidanka Puntland oo lagu amray soo qabashada Maxamuud Diyaano iyo maleeshiyaadkiisa

    August 3, 2026

    Jubbaland oo shaacisay xogta kulankii Waftiga Sare ee Mareykanka

    August 3, 2026

    Madaxweyne Deni oo ka qeybgalay Aaska AUN Muuse Diibeeye

    August 3, 2026
    Latest Posts

    GAALKACYO: Ciidanka Puntland oo lagu amray soo qabashada Maxamuud Diyaano iyo maleeshiyaadkiisa

    Jubbaland oo shaacisay xogta kulankii Waftiga Sare ee Mareykanka

    Madaxweyne Deni oo ka qeybgalay Aaska AUN Muuse Diibeeye

    Somaliland “Israa’iil waa quwad weyn, mana jiri doonto cid nagu soo degdegta”

    Akhriso: 7 Qodob oo ku duugan heshiiska Puntland iyo Mareykanka

    Akhriso: Ciidanka Puntland oo Amar culus la dul-dhigtay, loona digay

    Muxuu dhigayaa heshiiska Puntland iyo Mareykanku gaareen ?

    Madaxweyne Deni oo kulamo Amni ka bilaabay Boosaaso

    Madaxweyne Deni oo safar degdeg ah galabta ku aaday Boosaaso

    Afar Arrimood oo Xassan Shiikh ku doonayay carqaladeynta Dabaal-degga Xuska 1da August

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.