Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland ayaa soo saartay awaamiir ku wajahan Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland, iyadoo adkaysay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo ku dhaqanka sharciga.
Maxkamaddu waxay faraysaa taliyeyaasha ciidamada inay si buuxda ula xisaabtamaan askari ama sarkaal kasta oo ku xadgudba xuquuqda muwaadiniinta, isla markaana si degdeg ah sharciga loo horkeeno cid kasta oo lagu helo falal noocaas ah. Waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay in aan la aqbali doonin tacaddi kasta oo ka dhan ah shacabka, isla markaana caddaaladda la horkeeni doono qof kasta oo jebiya sharciga.
HOOS KA AKHRISO WARAAQDA KASOO BAXDAY MAXKAMADDA SARE EE CIIDAMADA QALABKA SIDA EE PUNTLAND.
WADARTA: MS/CQS/DC/01-/1092026
Taariikh: 2/08/2026
Ku: Taliska Guud Ee Ciidanka Daraawiishta D.Pl
Garowe
Ku: Taliska Ciidanka Boliiska D.Pl
Garowe
Ku: Hay’ Ada Nabadsugida Iyo Sirdoonka D.Pl
Garowe
Ku: Xeer Ilaaliyaha Der’ laad Ee CQS/DC/D/PL
Garowe
Garowe
Og: Xeer Ilaaliyaha Guud Ee CQS.DC.D.PL
Garowe
Og: Wasaaradda Caddaada Iyo Arimahada Diinta Iyo Awqaafta DPL
Garowe
Og: Wasaaradda Amniga Iyo DDR Ta Dowladda Puntaland
Garowe
Og: Madaxweynaha D.Pl
Ujeeddo: Ka Jawaabis Cabasho Dadweyne.
Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabaka Sida Iyo Denbiyada Culus Ee Dowlada Puntland Iyadoo Ka Jawaabaysa Cabashoooyin Iyo Dacwaddo Ka Imaanaya Qaar Ka Mid Ah Bulshada Iyo Muwaadiniinta Reer Puntland, Ayna Kaga Cabanayaan In Ciidamadda Qalabka Sida Ay Geystaan Ku Takrifal Iyo Isticmaal Awood Xad Dhaaf Ah Xilliyada Ay Shaqada Ku Jiraan.
Mudooyinkii Danbe Waxaa Soo Badanayay Xad-gudubyada Ciidanku U Geysanayeen Dadka Shacabka Ah, Waxaana Ka Mid Ah:
1- Dilalka Soo Noq-Noqday Oo Sharci Daro Ah
2- Dhaawacyo Joogto Noqday
3- Jirdil Iyo Aflagaado Xad Dhaaf Ah
Sidoo Kale Waxaa Caadi Noqotay in Clidanku rasaas ama xabado iska ridaan si shirci darro ah taasoo waxyeelo iyo argagax gelina ku ah dadweynaha isla markaana aan Wax Talaabo Ah Aysan Ka Qaadin Saraakiisha Xukunta Ciidanka Askarigili Ku Kaca Falal Noocaas Ah.
Waaxaa Kaloo Jira In Maxbuus Ama Eedeysane Gacanta Lagu Hayo ama ku xiran goobaha sharciga ah Loo Geysto Dil, Jirdil IYO Dhaawacyo Xabadeed, Taasoo Sharciga Baal-Marsan.
Haddaba:
Dhammaan Taliyeyaasha Ciidamadda Qalabka Sida Waxaa Lafarayaa In Talaabo Sharci Ah Ay Ka Qaadaan Askrigii Ama Sargaalkii Ku Xad-Guba Nidaamka Ciidanimo Iyo Sharciga.
Sidoo Kale Maxkamaddu Waxay Faraysaa Xeer Ilaaliyaha Der` laad Ee CQS.DC.D.PL Inaad Sharciga Horkeento Askarigii Ama Sargaalkii Ku Xad-Guba Nafta, Maalka Iyo Sharfat Muwaadinka.
Sidaas Darteed Dhammaan Taliyeyaasha Ciidamada ee Sare Ku xusan waxaa Lagu Wargelinayaa Inay Wacyi Galiyaan Isla Markaana Ay U Digaan Sarkiisha Iyo Ciidamada Xiliyada Ay Ku Jiraan Shaqadda. islamarkaana faraan ammarada iyo faritaanada sharciga ah ee fulinta hawl maalmeedka kulana xisaab tamaan faa iido iyo khasaare waxay keeneen.
FULIN WACAN
IDILNEWS
IDILNEWS
