Ciidamada Itoobiya ayaa isaga guuray saldhigyadooda degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo amnigeeda ay gacanta ku hayeen muddo ka badan 10 sanaddood.
Dadka deegaanka ayaa aroornimadii saaka kusoo toosay guuritaanka Ciidamada Itoobiya, waxaana jirta cabsi soo food saartay bulshada oo la xiriirta in degmadu gacanta u gasho maleeshiyaadka kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab.
Todobaadyo kahor, Ciidanka Itoobiya ayaa ku wargeliyay maamulka Koonfur Galbeed iyo DFS baneynta saldhigyadooda Buurhakaba, waxaana xilligaa isku dhexyaac badan laga dareemay xafiisyada sare ee Baydhabo iyo Muqdisho.
Qorshaha baneynta Ciidanka Itoobiya ee Buurhakaba ayaa qeyb ka ah guuritaanka Ciidamada Midowga Africa ee ilaa 3 magaalo bilaha soo socda, waxaana guuldaro la kulmaya dadaalo uu wado maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh, kaas oo la doonayo in ay ku joogaan Ciidanka Afrikaanka ah.
Mareykanka oo ahaa taageeraha u weyn ee dhaqaalaha ku bixin jiray Ciidanka Nabad ilaalinta Koonfurta Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay, ayaa joojiyay, waxaana uu sheegay in uusan sii wadi karin taageerada maamulka Muqdisho, aysana jirin horu-socod dowladnimo 20 sano ee u dambeysay.
IDILNEWS
