Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar
    Somalia

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 6, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xubno katirsan Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka DFS ee NISA ayaa xabsiga la dhigay, kaddib markii lagu eedeeyay lunsashada lacag fara-badan oo ay kala baxeen Akoonada Hay’adda.

    IdilNewa ayaa ogaatay in xubnaha la xiray oo ah saddex, kana howlgalayay xafiiska Maaliyadda ee NISA lagu helay in ay dhaceen lacag gaaraysa 2.5 Milyan oo dollar.

    Lacagta la dhacay ayaa isugu jirtay mushaaraad ay lahaayeen shaqaalaha iyo ciidamada Hay’adda ee jooga Muqdisho iyo gobollada kale ee Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo bilaha qaar laga jartay mushaaraadkooda iyo gunnooyinka ay lahaayeen, laguna shubtay akoono gaar ah.

    Dhacdada ayaa ifbaxday dhowaan, kaddib markii lacag jarashadu saameysay saraakiil Hay’adda NISA ah, iyo howlwadeeno gudaha xarunta Muqdisho ka shaqeynayay.

    Dhanka kale, NISA ayaa hadda wajahaysa dhaqaale la,aan xooggan, iyadoo inta badan shaqaalaha Hay’adda iyo Askarta dharcadda ah aysan qaadan mushaar bishan, taas oo keentay hoos u dhac soo wajahay Hay’adda oo culeysyo kale oo dheeraad ah wajahaysay bilihii lasoo dhaafay.

    Dhammaan xaaladaha ka taagan NISA ayaa kusoo aadaya xilli Agaasimaha Hay’adda, Mahad Salad uu xaalad caafimaad u joogo dalka Jarmalka muddo, isku dhex yaaca Hay’adda ayaana saameyn ku yeeshay shaqada xafiisyada iyo kuwa banaanka ee NISA.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    September 6, 2026

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Wada shaqaynta Booliska iyo hay’adaha kale Ee Dowlada oo laga Shiray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.