Ciidanka Xuutiyiinta ayaa khamiista maanta ah la wareegay magaalada Dekedda leh ee Mocha ee dalka Yemen, kaddib dagaal socday Maalmo oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen oo uu taageerayo Sacuudigu iyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta.
Mocha ayaa ah magaalo istiraatiiji ah oo ku taalla qiyaastii 75km (47 mayl) dhanka waqooyi ee marinka Bab al-Mandeb, kaas oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Caden.
In kabadan 20,000 oo qof ay ku barakacay dagaallo dhacay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay. Waxyaabaha ugu waaweyn ee gacan ka geystay inay Xuutiyiintu la wareegaan magaalada ayaa ahaa ka bixitaanka dagaalka ee Ciidamada Iska-caabbinta Qaranka (National Resistance Forces).
IDILNEWS
