Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo bilowday howlgal lagula dagaalamayo Burcad-badeeda
    Puntland

    Puntland oo bilowday howlgal lagula dagaalamayo Burcad-badeeda

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 20, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Badda Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u billaabay hawlgal istiraatiiji ah oo ballaaran, kaas oo lagu xaqiijinayo amniga badda iyo magalooyinka xeebaha ay maamusho dowladda Puntland, iyadoo la doonayo in si buuxda looga ciribtiro kooxaha burcad-badeedda, hubka sharci-darrada ah, iyo dembiyada abaabulan ee ka dhaca baddaha Puntland.

    ​Hawlgalkan oo ay si dardar leh u wadaan cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda Puntland ayaa ku billowday qorshe adag oo ay kaga jawaabayaan falal ay ku kaceen kooxo burcad-badeed ah oo isku dayaya inay afduubtaan ama qafaashaan maraakiibta biyaha caalamiga marsya ee kusugan marin-biyoodka caamaliga ah.
    ​
    ​Wararka laga helayo sarakiisha ciidamadda badda Puntland ayaa tilmaamaya in hawlgalladu si weyn loo qorsheeyey si uga dhigta mid suurtagelinaysa in ay si fudud ugu daba-galaan kooxaha burcad-badeedda meelaha ay xeebaha ka xigaan ama ay ku dhuumaalaysanayaan.

    ​Ciidamada Badda Puntland ayaa haatan la soo sheegaya in ay baacsanayaan kooxo dabley ah oo la sheegay inay qafaasheen maraakiib, iyagoo ka sameynaya dhaqdhaqaaqyo xooggan oo isugu jira roondo iyo dabagalo joogto ah guud ahaan xeebaha dhaadheer ee Puntland.

    ​Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaalka joogtada ah ee ay dowladda Puntland ugu jirto ilaalinta amniga ganacsiga badda, badqabka maraakiibta caalamiga ah ee isticmaala marin-biyoodka muhiimka ah, iyo sidii loo dabagali lahaa halka ay ku sugan yihiin kooxaha burcad badeeda ee halista ku ah nabadda badda Puntland iyo guud ahaan isu socodka marakiibta ku safraysa biyaha caalamiga. Ciidanka Puntland ayaa muujiyey diyaar-garow buuxda oo ay kaga hortagayaan khatar kasta oo liddi ku ah xasilloonida badaha Puntland iyo guud ahaan Gobolka.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyayaal degmo

    November 9, 2026

    Ilhan Omar oo guul taariikhi ah ka gaartay doorashada Mareykanka

    November 4, 2026

    Miisaaniyadda 2027 ee Puntland oo noqotay $308,213,973

    November 3, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyayaal degmo

    Ilhan Omar oo guul taariikhi ah ka gaartay doorashada Mareykanka

    Miisaaniyadda 2027 ee Puntland oo noqotay $308,213,973

    Uganda oo shaacisay war naxdin geliyay maamulka Xassan Shiikh

    Mareykanka oo bilaabay tababarka Ciidamo gaar ah oo Puntland yeelanayso – (Sidee loo qoray?)

    Askar katirsan Ciidamada Uganda oo ka duulay Muqdisho

    GAROOWE: Booliska Puntland oo qabtay gaari sidday Hub

    XOG: Puntland oo dhistay Cutub Ciidan oo ku dagaallama diyaaradaha Drones-ka

    Booliska gobolka Mudug oo la wareegay qalab Isgaarsiineed

    Deni “Waxaan kula talin Xassan Shiikh isagoo tiisa u turaya in uu is casilo”










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.