Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa soo bandhigay khariirad muujinaysa dalalka ay Israa’iil la leedahay xiriirka wanaagsan iyo kuwa cadowga u ah, ee ay kula jirto loollanka adag.
Khariirada ayaa waxaa kasoo muuqday Puntland oo ay Israa’iil u aqoonsan tahay saaxiib wanaagsan, oo uu ka dhexeeyo xiriir iyo iskaashi.
๐๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฌ๐ซ๐๐’๐ข๐ข๐ฅ.
IdilNews ayaa baaris ku sameysay xiriirka u dhexeeya Puntland iyo Israa’iil, annagoo ogaanay in uu ku saleysan yahay iskaashi Amni, kaas oo soo socday in kabadan 5 sano.
Puntland iyo Israa’iil ayaa si joogta ah isku dhaafsada xogaha amni ee dhanka sirdoonka, iyadoo tiro kabadan saddex jeer ay saraakiil sirdoon oo labada dhinac ah u kala safreen Tel Aviv iyo Boosaaso.
Sirdoonka Israa’iil ayaa door weyn ku lahaa xogaha sirdoon ee Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ku qaadeen Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Hillaac, kaas oo lagu burburiyay saldhigyadii milateri iyo farriisinkii ugu weynaa ee kooxda Daacish ku lahayd adduunka, kaas oo ku yaallay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.
Sidoo kale, Sirdoonka Israa’iil iyo Mareykanka ayaa sirdoonka Puntland kala shaqeeyay qabashada xubno katirsan kooxda Al-Shabaab oo ay soo tababareen xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo falal amni darro ka geysan lahaa gudaha Puntland iyo koonfurta Soomaaliya.
Sidaas si lamid ah, Sirdoonka Puntland ayaa ka caawiyay sirdoonada Mareykanka iyo Israa’iil in xog rasmi ah laga helo xubno muhiim ah oo katirsanaa argagixisada Al-Shabaab, Daacish iyo Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo gabaadsanayay deegaano katirsan Puntland, iyadoo qaarkood lagu khaarijiyay duqeymo ay Mareykanka iyo Israa’iil ka geysteen gudaha Soomaaliya iyo Yemen.
In Netanyahu uu shaaciyo in iskaashi dhow ay la leeyihiin Puntland ayaa ka dhigan, in Puntland ay hadda ka gudubtay loollanka gudaha Soomaalida, ayna qaaday jiho ay wax kula wadaagayso awooddaha caalamiga ah ee ku loollanaya sameynta muuqaalka dunidu yeelanayo 100 sano ee soo socota.
IDILNEWS
