Maamulka Cabdicaziiz Laftagareen ayaa deeq raashin ah u qeybiyay dadka danyarta ah ee kunool degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Diinsoor ayaa maalmo kahor ay qabsadeen Ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicaziiz Laftagareen oo bilo kahor laga qabsaday Baydhabo, lagana dhisay maamul uu hoggaaminayo Aadan Madoobe oo taabacsan Xassan Shiikh Maxamuud.
10kii maalmood ee u dambeeyay Ciidanka Laftagareen ayaa qabsaday ilaa 5 degmo oo katirsan gobollada Baay iyo Bakool, iyagoo kala wareegay Ciidanka maamulka Muqdisho ee Xassan Shiikh ee duullaanka ku yimid deegaanada Koonfur Galbeed.
Dadka deegaanka ayaa aad u diidan maamulka Aadan Madoobe ee Xassan Shiikh dhisay, iyagoo taageero iyo soo dhaweyn u sameeyay Ciidanka Laftagareen.
IDILNEWS
