Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dalada Waxbarashada SAFE oo ka hortimid natiijada imtixaanka ay qaaday W.Waxbarashada Fadaraalka
    Somalia

    Dalada Waxbarashada SAFE oo ka hortimid natiijada imtixaanka ay qaaday W.Waxbarashada Fadaraalka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 28, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Agaasimaha Fulinta  Dallada Waxbarashada ee SAFE Kayse Mayow  Abo Xuseen ,ayaa waxaa uu kaga hadlay Natiijada Imtixaanaadkii ay Dowladda Federaalka   ka qaadey Ardeydii dhameysatey Dugsiyada Sare ee  Dalka  sannadka 2017-2018.

    Mudane Keyse waxaa uu sheegey in Hay’adda SAFE ay Cabasho weyn ka tahay qaabkii loo qaadey Imtixaanaadka iyo Weliba  qaabkii loo saxay Imtixaanaadkaas waxaana uu sheegey in Hay’adda Waxbarashada ee SAFE aaney Wasaarada Waxbarashada  wax la tashi ah kala  sameeyn Habkii loo saxay Imtixaanaadkaas.

    “Muddo Dhowr  Sanno ah ayaa soo diyaarineyney Ardeydaas sidaa darteed Wasaarada Waxbarashada  Wax Xil ah ama Masuuliyad ah   kama muujin  Habkii  loo qaadey iyo habkii loo saxay Imtixaanaadka waayo ardeyda imtixaankooda la saxay cida mas’uuka ka ah waa anagga, mar hadii doorkayna ay diideena dhibaatada iyo cadaalad darada ardayda soo gaartay waxay noqonaysaa mid ku talagal ah (Ayuu war saxaafeedka ku yiri).

    Agaasimuhu wuxuu intaa kudaray “Hay’adda SAFE oo hooyadii waxbarashada ahayd Ayaan Wasaaradda la wadaagin ama aysan ka talagalin sixida Imtixaanaadka maadaama  aynu nahay Marjicii  Waxbarashada (ayaa markale qoraalka lagu yiri).

    Hadii aan nahay Hay’adda Waxbarashada SAFE   waxaan u sheegeynaa Bulshada Soomaaliyeed in Imtixaanaadkii Sannadkaan la siyaasadeeyey islamarkaana arday badan mustaqbalkooda mugdi la galiyey.

    Agaasimaha Fulinta Dallada Waxbarashada SAFE waxaa uu sheegey In Natiijadii Imtixaanaadkii ee Wasaaradda  qaadey Sannadkaan aysan Hay’adda Waxbarashada ee SAFE Aqoonsaneyn waayo Imtixaanaadkaas wadadii  cadaaladda looma marin.

    Ugu Dambeyn Agaasimaha waxaa uu sheegey in ay la yaab tahay in 5 kun oo ardey Imtixaankaas lagu rido , isagoo sheegey in taas  ay  ku tusineyso sida agaasimaha wasaaradda uu ugu dhaga adeegay door mas’uuliyadeedkeena ee sixida imtixaanka  sidaa Darteed waxaa Nasiib daro ah in ardey Tiradaa la eg  oo muddo dheer wax la soo barayey in cadaalad daro ah loo niyad jabiyo Ciddii sameyseyna  qaadaysa cawaaqibta ka dhalata,mar uuna lagula Xisaabtami doono.

    Sannadkaan waxaa Imtixaanaadkii Dugsiyada  Sare u fariistey  in ka badan 25 ku oo ardey,  waxaa Gudbey 20 ku oo ardey halka ay ay dhaceen  in ka badan 5 kun oo ardey sidaa darteed  Waalidiin fara badan  ayaa   sannadkan aad uga cowdey qaabkii loo saxay Imtiaanaadkii Dowladda  kuwaa Cabashaooda u gudbiyey Daladaha Waxbarashada dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.