Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Ra’iisulwasaare Kheyre oo Shir guddoomiyay shirka qaab dhismeedka Amniga doorashooyinka (Daawo)
    Puntland

    Ra’iisulwasaare Kheyre oo Shir guddoomiyay shirka qaab dhismeedka Amniga doorashooyinka (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 11, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay shirka tubta amniga iyo cadaaladda oo lagu qabtay xarunta wasaaradda amniga gudaha, loogana hadlay dhammaystirka hab-raaca cusub ee maamulka iyo maaliyadda ciidanka, qaab dhismeedka ciidanka sugaya amniga doorashooyinka, halka ay marayso diiwaan gelinta ciidanka, qorshaha ciidanka hawl-gabka ah, naafada iyo agoonta.

    Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shirka ka sheegay in hadafka guud ee tubta amniga iyo cadaaladda uu yahay in dalka laga hir-geliyo hay’ado amni iyo caddaaladeed oo aad u hagaagsan, xasiloon oo leh siyaasado, sharciyo iyo hannaan maamullo saxan oo xaqiijin kara himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

    Halbeegyada wasaaradda difaaca dalku ay ku leedahay Tubta Amniga iyo Cadaalada ayaa waxaa qayb ka ah qiimaynta iyo sugidda amniga goobaha loo cayimo wacyi gelinta, diiwaan gelinta iyo xarumaha ay dadku codkooda ku dhiibayanaan.

    Himilooyinka Tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah dib-u-habaynta iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga qaranka, muumulidda xilliga kala guurka ee ciidanka qaranku la wareegayaan amniga dalka iyo isku xirnaan habaysan oo lagu dhaqan gelinayo dhammaan qorshayaasha.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/sntvnews/videos/1917769085001089/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    September 7, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.