Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo kulan Is barasho ah u Sameeyey Goleyaasha Dowladda Puntland (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo kulan Is barasho ah u Sameeyey Goleyaasha Dowladda Puntland (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 17, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qado sharaf isbarasho ah u sameeyey Goleysaha Dowladda Puntland sida Golaha Wakiillada, Golaha Xukuumadda iyo Golaha Garsoorka.

    Qada sharafta isbarashada ah ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa u mahadnaqay Goleyaasha dowladda gaar ahaan Golaha Wakiillada,

    “Munaasabaddan waa isbarasho iyo mahadcelin Golaha Wakiillada Dowladda Puntland talaabadii taariikhiga ahayd ay shalay qaadeen ee ansixinta Golaha Wasiirada oo ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen si aan horay uga dhicin Puntland aad baad u mahadsantihiin”Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

    Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Muadane Siciid Cabdullaahi Deni oo munaasabadda khudbad taariikhi ah ka jeediyay ayaa Goleyaasha dowladda Puntland uga mahad naqay shaqooyinkii adkaa ee ay qabteen xiligii lagu guda jirey doorashada iyo Isbedelka maalmihii taariikhiga ahaa.

    “Runtii waxaa sharaf ii ah in aan hortiina soo istaago anoo magiciina ku hadlaya, inaan u mahadceliyo shaqadaas baaxadda weyn ee laga soo bilaabo December 03 2018 iyo intii ka horeysayba ee doorshada lagu jirey dadkii suurta galiyey oo ay ciidamadu ku jiraan, isimada oo laf dhabar u ahaa in nidaamkii siyaasiga ahaa ee kala wareegaayey ay si wanagsan u korjoogteeyeen, waxaan si balaadhan ugu mahadnaqayaa shacab weynaha Puntland sida ay ula socdeen isbedalka siyaasadeed ee ka dhacaayey wadanka iyo doorka shariifka ah ee ay ku lahaayeen marxaladdii ololaha adag ee dalka ka qabsoomay iyo sida wanagsan ee ay u ilaaliyeen shacabku nabadgelyada iyo xasiloonida guud ee Puntland iyo natiijooyinka dimuquraadiga ah ee soo baxayey ay u aqbaleen,

    Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dolwadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa mahad ballaaran u soo jeediyey Golaha wakiillada Dowladda Puntland ee ay ugu horreeyaan Guddoonka Golaha Wakiillada sida wanagsan ee ay u daadihiyeen shaqada wadanka intii ay la wareegeen xilka, isla’markaana Madaxweynaha ayaa uga mahadnaqay ansixintii Golaha xukuumadda iyo barnaamij siyaasadeedka xukuumada

    Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/1922854821145718/

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.