Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Somaliland oo beenisay inay kulmayaan Madaxweyne Farmaajo Iyo Muuse Biixi (Daawo)
    Puntland

    Somaliland oo beenisay inay kulmayaan Madaxweyne Farmaajo Iyo Muuse Biixi (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    HARGEYSO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta ka dhoofay Magaalada Hargeyso, Isagoona booqasho rasmi ah ugu ambo baxay dalka Itoobiya, kaddib markii uu marti-qaad ka helay Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.

    Madaxtooyadda Somaliland ayaa beenisay Wararka Sheegaya in Madaxweyne Muse Bihi Abdi uu kulan kula yeelanayo Magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo.

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), oo Warbaahinta faah-faahin ka siiyay  Safarka biixi, ayaa tilmaamay in aysan jirin cid ka baxsan Ra’iisulwasaaraha Itoobiya iyo Xukuumadiisa oo uu Madaxweynaha Somaliland kula kulmayo Addis Ababa.

    “Madaxweynuhu waxa uu casuumad rasmi ah ka helay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, waxana ay isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaa u tegayaan inay ka wada-hadlaan danaha iyo xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland.

    Wasiir Faro-toon ayaa intaas ku daray “Madaxweynaha iyo weftigiisa ayey ujeedada safarkoodu ku kooban tahay kulanka ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo xubnaha kale ee xukuumaddiisa ka tirsan ay la yeelan-doonaan, mana jirto masuuliyiin dalal kale oo madaxweynaha u qorshaysan inuu kula kulmo Dalka Itoobiya”

    Hadalkan kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Yaasiin Faro-toon, ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay la isla dhex-marayay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyne Muuse Biixi ay ku kulmi doonaan Addis Ababa, kaddib Casuumaad uu u diray Labadoodaba Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/XafiiskaSaxaafaddaMadaxtooyadaJSL/videos/1962642700513619/

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    September 7, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.