Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Maxaa looga hadlay Kulankii Madaxweyne Biixi iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ? (Daawo)
    Puntland

    Maxaa looga hadlay Kulankii Madaxweyne Biixi iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ? (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 20, 2019Updated:February 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, ayaa Goor-dhaweyd kulan la yeeshay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

    Kulankan oo ahaa mid labo geesood ah ayaa Madaxweyne Biixi iyo Ra’iisulwasaare Abiy, waxaa ku wehlinayay xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada Somaliland iyo Itoobiya.

    Kulanka ayaa inta uu socday aan si rasmi ah loo ogeyn waxa looga hadlay, balse Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa markii ay ka duulayeen Madaarka Hargeysa, waxaa uu Warbaahin u Sheegay in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan danaha iyo xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya.

    Kulan la filayay inay Addis ababa ku yeeshaan Madaxweyne Biixi iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa fashilmay kaddib markii dhinacyadu isku fahmi waayeen cida yeelaneysa doorka dhex dhexaadinta iyo heerka kulanka labada dhinac.

    Si Kastaba ha ahaatee, Safarkaan Madaxweyne Biixi uu ku tagay Addis Ababa iyo kulanka uu la yeeshay Ra’iisulwasaare Abiy, ayaa kusoo aadaya xilli Soomaali badani aaminsan yihiin in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaliya uu Mamnuucay in Madaxda Dowlad Gobaleedyadu ay tagaan Dalalka dariska ah, Wallow Somaliland ay horey ugu dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya.

    Dowlada Fadaraalka Itoobiya,ayaa maqaam sare oo leh baratakool Madaxweyne Jamhuuriyad la aqoon san yahay ugu soo dhawaysay Adai-ababa Madaxweyne Biixi iyo waftigisii,hoos ka daawo.

    ‘

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/694244927448270/videos/2045663699059378/

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.